Ceelbarde-Bakool: Degmada Ceel Barde ee gobolka Bakool oo Hay`adda WFP raashiin qeybin ka bilwoday

Dadkani ku dhaqan degmada Ceel Barde ee gobolka Bakool ayaa waxa ay yihiin kuwa ku tiirsan mucaawinada ay ka helaan hay`adda cunnada aduunka ee WFP sida uu sheegay guddoomiyaha maamulka degmadaasi.

Dadka reer deegaankani waa kuwo si aad ah u saameysay abaarihii dalka ka jiray ayadoona ilaa iyo iminka ay ka muuqato raadkii abaarihii gobolka Bakool ku dhuftay gaar ahaana dadka ku dhaqan degmada Ceelbarde.

Hasa yeeshee inkastoo dhitoobo xoogan oo dhanka nolol xumida ay heysato dadka reer deegaankaasi ayaa waxaa howlo cunna qeybin oo gar gaar ah ka bilaabay hay`adda cunnadda aduunka ee WFP.

Mucaawinadani qeybintooda WFP ay ka bilowday degmooyin iyo deegaano ka tirsan gobolka Bakool ayaa waxa ay isugu jiraan Galay, Salii, Digir iyo Boorish, kuwaasi oo loogu talagalay dadka ku ceertoobay abaarihii ka dhacay gobolka oo aan maanta noloshooda meel aan ku tiirsaneen.

Qaar ka mid ah haweynka raashiinka la siiyay oo aan goobta raashiin qeybinta ka socotay aan kula sheekaystay ayaa waxa ay ii sheegeen in ay ku faraxsan yihiin talaabadii WFP ay qaaday.

Kuxigeenka WFP soomaaliya haweyneyda lagu magacaabo Daines prown ayaa waxa iyaduna ka hadashay deeq qeybinta ay ka bilaabeen degmooyin iyo deegaano ka tirsan gobolka Bakool,waxayna sheegtay in mucaawinadani loogu talagalay dadka saameysay abaarihii gobolka Bakool ku dhuftay.

Afhayeenka WFP soomaaliya Maxamuud Xasan Guuleed oo isna qeyb ka ahaa saraakiisha WFP ee degmada Ceelberde kormeerka ku yimid ayaa waxa uu isna sheegay in deeqdani la siiyay 28,800 oo qoys oo 4800 ay yihiin caruur.

Mr.Guuleed ayaa waxa uu intaasi ku daray in talaabadani ay tahay mid sii socon doonta isla markaasina loogu gargaarayo dadka tabaalaysan ee iyagu ku dhaqan degmooyinka iyo deeganada gobolka Bakool.

Dadka raashiinka la siinayay ayaa meel fagaara ah ee degmada Ceelbarde ka tirsan laysugu yeeray, ayadoona goob jooga ay ahaayeen sida sawirada ay ka muuqdaan ku xigeenka WFP soomaaliya, Afhayeenka WFP iyo haweynayda ku xigeenka ka ah UNICEF.

Ugu dambeyntii, sakastaba ha`ahaatee, raashiin qeybintani WFP ay ka bilowday qeybo ka mid ah gobolka Bakool ayaa waxay ku soo beegmaysaa xilli inta badan dadkaasi ay la daala dhacayaan abaarihii gobolkaasi ku dhuftay.

Faallo u dhaaf