XOG CULUS:-FAARAX C/QAADIR OO DHAWAAN LOO MAGACAABI DOONO LABA XIL MIDKOOD.)

WAAJIDPRESS – 17 Feb 2015:
Wararka qaar ee aan si buuxda loo xaqiijin ayaa sheegaya in Taliyaha Nabadsugidda loo magacaabi doono Faarax Sheekh C/qaadir oo hore u ahaa wasiirka cadaaladda, ahna mid kamida siyaasiyiinta ugu dhow madaxweynaha.

Lama oga inuu siyaasigani aqoonyahanka ah jagadaasi dan ka leeyahay iyo in kale laakiin waxaa isa soo taraya in Taliye C/raxmaan Tuuryare muddooyinkii danbe xaalkiisu fiicneyn oo uu xaqiiqsaday in xilka uu weyn doono.
MD Xasan Sheekh wuxuu jagada taliska nabadsugidda u door bidi lahaa C/llaahi Maxamed Sanbaloolshe, waxaase la is barbar wadaa isaga iyo Faarax Sheekh C/qaadir, inkastoo rajada Sanbaloolshe ay saameyn ku yeelatay khilaafkii keenay inuu xilka waayo.

Faallo u dhaaf