Weli Waxaa khilaaf adag ka dhex jiraa Madaxweyne Xassan iyo ODAYAASHA Dhuusamareeb

WAAJIDPRESS – 26 Jun 2015:

Wararka ka imaanaya Xarunta gobolka Galguduud ee Dhuusamareeb ayaa sheegaya in weli uu socdo wada hadalkii u dhexeeyay Madaxweyne Xasan iyo Odayaasha Dhuusomareeb.

Goobjoogayaal halkaasi ku sugan ayaa soo sheegaya in kulanka uu yahay mid aan weli laga gaarin wax natiijo ah Madaxweynuhuna uu yahay mid ku jahwareersan Khilaafka u dhexeeya Odayaasha Cadaado iyo Dhuusamareeb.

Odayaasha Dhuusamareeb ayaa ku adkeysanaaya in halka lagu qabanayo shirka maamulka gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya ay noqon doonto Dhuusamareeb, halka Odayaasha kalane ay ku adkeysanayaan hadalkii uu horay u sheegay Madaxweynaha oo ahaa in shirka uu ka dhacaayo Cadaado.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa habeenkii labaad hoyanaya magaalada iyadoo uu wadahadalo aan loo kala kicin maanta oo dhan la lahaa odayaasha soo saaray go’aanka ah in shirka lagu qabto magaalada Dhuusomareeb.

Madaxweyne Xasan ayaa lagu wadaa in Saacadaha soo socda uu qaato go’aan adag oo uu ku xariiqaayo halka uu shirka ka dhacaayo, waxaana hada socda fursadihii ugu dambeeysay ee la siinaayo Odayaasha Dhuusamareeb si ay u taageeran in shirka uu ka dhaco Magaalada Cadaado.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha ayaa sidoo kale la tashiyo la sameynaayo Masuuliyiin ka tirsan labada Gole ee Dowlada oo ku wehlinaaya safarka, waxaana looga fadhiyaa inuu ku dhawaaqo go’aankiisa kama dambeysta in shirka uu ka dhacaayo Magaalada Cadaado.

Faallo u dhaaf