War deg deg ah: SAFIIRO MAANTA ansixiyeen golaha Wasiirada loona gudbiyey MADAXWEYNAHA

WAAJIDPRESS – 2 Apr 2015:

Golaha Wasiirada Soomaaliya oo maanta shirkoodii caadiga yeeshay ayaa kaga hadlay qodobo dhowr ah, iyagoo meel mariyay hindise sharciyeedka la dagaalanka Argagixisada, shir dheer ku lahaa Madaxtooyada ayaa meel mariyay.
Kulanka Golaha Wasiirada oo uu shir gudoominayay Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid waxaa laga aqriyay soo jeedin ka timid Wasaaradda Arrimaha Dibada Soomaaliya oo ah magacaabis Safiiro, Qunsulo.

Sida loo magacaabey Ayaa KALA AH:

Safiirkii Soomaaliya u fadhiyay Kenya Amb. Maxamed Cali Ameeriko xilka laga qaaday, kaasoo lagu bedelay nin lagu magacaabo Jamaal Hassan (oo ka soo jeeda WARSENGALI- DAAROOD), wuxuu ka shaqeyn jirey safaarada Soomaaliya ee Kenya.

Sidoo kale Safiirada la magacaabay ayaa waxaa ka mid ah Jamaal Maxamed Barrow (oo ka soo jeeda BEELWEYNTA DIGIL & MIRIFLE) oo loo magacaabay Safiirka Koofur Afrika.

Faadumo Cabdulaahi Insaaniya (oo ka soo jeeda beesha DIR) ayaa loo magacaabay Safiirka Qaramada Midoobey xarunteeda New York; Maadaama aan wakhtigan Safaarad laga furi Karin Maraykanka arimo dhaqaale dartood Ayaa haddii arimo loogu baahdo ay iyada si Ku meel gaar AH uga jawaabi doonto wixii loo baahdo.

Waxaa kaloo la magacaabay Daahir Maxamuud Geelle (Oo ka soo jeeda Abgaal – Hawiye) oo horay u soo noqday wasiirkii Warfaafinta, waxaa loo magacaabay Safiirka Sacuudiga.

Safiirada la magacaabay waxaa ka mid ah Khadiijo Al-MAKHZUUMI (oo ka soo jeeda Reer Xamar) oo loo magacaabay dalka Ciraaq oo horay dowladda Soomaaliya wakiil ugu aheyd halkaas.

Faallo u dhaaf