Magacyada dadkii maanta la diley iyo Xildhibaano Ka Tirsan mamulka Koonfur Galbeed Oo Sheegay In AMISOM Lagula Xisaabtamayo Falkii Ay maanta ka Geysteen Buulomareer ee gobolak Shabeelaha Hoose

WAAJIDPRESS – 15 APR 2016:

Xildhibaanada DIGIL IYO MIRIFLE IYO KOONFUR GALBEED Ayaa sheegey in lala xisaabtami doono CIIDAMADA AMISOM dhacdadii MAANTA KA DHACDEY Buulamreer EE GOBOLKA SHABEELAHA  hoose, waxay sheegeyna in ay aad uga xunyihiin falkaasi lagu dilay dadka shacabka ah, waxaana uu qiray in shacabkaan laga soo dejiyey gaarigii ay saarnaayeen kadibna la toogtay waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Waan ka xunnahay in la dilo dad shacab ah oo gaari ay saarnaayeen inta la joojiyo lagala soo dego walibana la toogto” ayuu yiri Xildhibaanka.

“Waan dabagalaynaa, kama hari doonno, AMISOM waxay kasoo bixin doontaa arrintan jawaab degdeg ah” ayuu hadalkiisa raaciyey xildhibaanka.

Shacabka DIGIL IYO MIRIFLE EE KU DHAQAN magaalada Buulamareer Ayaa mudaaharaadyo MAANTA lagu gubay “Tires” KA suubiyey magaalaadaasi iyo tuulooyinka hoos yimaada.

Sidoo kale Xildhibaan Mahad ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ee ku sugan gobolka Shabellaha Hoose aanay wax wada shaqeyn ah la lahayn ciidanka dowladda ee ku sugan gobolkaasi.

Askar ka tirsan ciidanka AMISOM ayaa la sheegay in maanta ay dileen dad shacab ah oo gaaraya Afar qof, waxaana dadka la dilay ka mid ahaa Haweeney 80 sano jir ah iyo sidoo kale gabar 9-sano jirta.

Dadka La Dilay waxaa ay ahaayeen 4 Qof  2 Nin & 2 Dumar ah oo dhamaantood ah Dad Shacab ah Dumarka la dilay waxaa ay isku ahaayeen Geber 9 Sanno Jir ah iyo Ayeeyadeed oo 85 Jir ah kuwaas oo dilka kadib indha laga bixiyey.

Magacyada dadkii AMISOM ay ku dishay Buulo Mareer:

Maxamuud Macalin Maxamed oo Ganacsade ah

Daa’uud Kahiye oo ganacsade ah

Hooyo raaxo Faarax oo jirtay 80 sanno

ZamZam cabdi waxiid oo irtay 9 sanno.

 

Faallo u dhaaf