Madaxweyne Gaas oo la kulmay Wasiirka Arimaha Dibada Ethiopia

WAAJIDPRESS – 24 NOVEMBER 2017:

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo weli ku sugan dalka Ethopia ayaa magaalada Addis Ababa kulan kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda dalkaasi Mr. Workneh Gebeyehu.

Madaxweynaha Puntland iyo Wasiirka Arrimaha dibadda dalkaasi ayaa waxa ay kawada hadleen xoojinta Xidhiidhka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Ethiopia gaar ahaan Puntland iyo arrimo la xidhiidha furitaanka Custom ka Tuur-dibi ee xuduudda Puntland iyo Ethiopia.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xaqiijiyey in Soomaaliya iyo Ethiopia gaar ahaan Puntland leeyihiin xidhiidh tariikhiya kaas oo ku qotoma arrimaha Ganacsiga, Amaanka iyo siyaasadda, isla markaana ku salaysan iskaashi, wax wada qabsi iyo siyasad togan.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa hoosta ka xariiqay in Puntland diyaar u tahay wanaajinta xidhiidhka Puntland iyo Ethiopia ee soo jireenka ah, waxaana uu tilmaamay Madaxweynuhu in ay Puntland iyo shacabkeeduba diyaar u yihiin inlaga wada shaqeeyo wax kasta oo horumarin kara xidhiidhka labada dhinac.

Wasiirka Arrimaha Dibadda dalkaasi Ethiopia Mr. Workneh Gebeyehu ayaa dhankiisa ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay adkaynta xidhiidhka taariikhiga ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Ethiopia gaar ahaan Puntland, isagoona xusay xidhiidhkaasi in uu yahay mid ku salaysan kalsooni iyo saaxiibtinimo, waxaana uu xaqiijiyey in dalka Ethiopia ku jiro abaabulka wefti ay usoo dirayaan furitaanka Custome ka Tuur-dibi ee xuduudda Puntland iyo Ethiopia.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo weftiga uu hogaaminayo ayaa soo afmeeri doona shafarkooda shaqo ee ay ku joogeen muddo 5 Cisho ah magaalada Addis Ababa, Madaxweynaha iyo weftigisa ayaa guul ka gadhay safarkooda shaqo ee ay ku tageen dalka Ethiopia.

Faallo u dhaaf