Madaxweyne Kuxigeenka Puntland oo Mooshin laga keenay

WAAJIDPRESS – 27 DECEMBER 2016:

Mooshin ka dhan ah madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng. Camey ayaa looga abaabulayaa aqalka barlamaanka Puntland ee magaalada Garowe.
Tiro kamid ah xidlhobaanda Puntland ayaa la sheegay inay gudoonka barlamaanka geeyeen mooshin ka dhan ka ah madaxweyne ku xigeenka Puntland, kadib markii ay ku eedeeyeen inuu heshiisyo qarsoodi ah la galay siyaasiyiin kasoo jeeda Soomaaliland iyo inuu ka shaqeeyay dano ka hor imaanaya midnimada Puntland.
Wararka aan helayno waxay sheegayaa in maalmaha soo socda xarunta barlamaanka looga yeeridoono madaxweyne ku xigeenka Puntlnd ama madaxweynaha Puntland, kadib markii qaar kamid ah mudanayaasha mooshinka ay wada dalbadeen in barlamaanka la horkeeno labada masuul oo lagu eedeynayo inay ka jiifteen arrimihii gudaha Puntland, balse ay ku mashquuleen arrimaha Xamar ka socda.
Waxaa kale oo arrintaan culays sii saartay dilalkii qorshaysnaa ee magaalada Bosaso loogu geystay saddex kamid ah masuuliyiinta Puntland oo maalin barqo cad ah la dilay, iyadoo weliba ay baxsadeen raggii dilay.

Faallo u dhaaf