DEG DEG: Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Magaalada Kismaayo iyo khasaare xoogan oo ka dhashay

WAAJIDPRESS – 1 AUG 2017:

Qarax loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey ayaa caawa ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka jubada hoose.

Gaariga qarxay ayaa watey Naftii Hure isa soo Midaamiyey, ayaa  lagu bartilaameysadey  maqaaxi lagu shaaho oo ku taalla xaafada farjano ee magaalada Kismaayo.

Qaraxa oo aad u xooganaa ayaa waxaa fuliyay dhagarqabe xili ay camirneyd Maqaaxida isla markaana ay ku sugnaayen Saraakiil, Ciidamo, Odayaal iyo dad shacab ah.

Wasiirka Warfaafinta ee Maamulka Jubaland oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa xaqiinjiyay Qaraxa, waxuuna sheegay in 5 Ruux ay ku dhinteen halkaasi, iyadoo la sheegayo in tirada ay intaasi ka badan tahay, waxaana ku dhaawacmey 11 qof.

Mid kamid ah wadayaasha gaadiidka ambalaasta ayaa sheegay in goobta ay kasoo qaaden Meydad iyo dhaawacyo farabadan oo la gaarsiiyay xarumaha caafimaadka.

 

Faallo u dhaaf