Archive for Maajo, 2008

Quburo Saynis-yahno Ah Oo Daanyeer U Tababaraya Inuu Warshad Daawada Sameysa Kala Hago.

Maajo 30, 2008

Saynis-yahan lagu magacaabo Andrew Schwartz iyo kooxdiisa wax ka dhiga jaamacad la yiraahdo Pittsbrugh ayaa markii ugu horreysay waxa ay qeybo ka mid ah saxaafadda u soo bandhigeen sawiro muujinaya daanyeer ay ula bexeen Aurthur kaasoo kala hagaya warshad dawada sameysa.

Quburadan ayaa sheegay inay ku guuleysteen tijaabadii ugu horreysay oo ay siiyeen daanyeerkaasi taasoo ay tilmaameen inay uga gol lahaayeen maskax ahaan in laga dhisi karo haatan wixii ka dambeeya daanyeerada si ay isku caawiyaan hadii ay ahaan laheyd bay yiraahdeen cunto karsashada, iyo sida ay u shaleysan lahaayeen iyo weliba sida ay u caawin lahaayeen xayawaanaadka kale intaba.

Saynisyahan kale oo caan ah kaasoo wax ka dhiga jaamacad la yiraahdo Universite De Montreal oo ka hadlay arrintan tijaabada ah oo ay ku guuleysteen quburadaasi ayaa sheegay in arrintaasi ay farxad gelisay, isagoo tilmaamay inay tahay talaabo muujinaysa in tiknoolojiyada caalamka waxyaabo badan looga faa’iideysan doono, sida arrintan daanyeerka maskax ahaan loo dhisay oo kale.

Shirka ka furmaya Jabuuti oo lagu dhisayo Barlamaan Cusub iyo hogaan Cusub oo dalka Soomaaliya hogaamiyo

Maajo 30, 2008

Warar lagu kalsoonyahay oo aan ka helnay Ilo ku dhow dhow ergayga qaaska ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaalita Cabdala Walad ayaa sheegayo in shirka Jabuuti looga doodayo qodobo ay ka mid yihiin

1 Sidii loo fududeyn lahaa in ay ka baxaan ciidamada Itoobiya ee xooga ku heysta Soomalaiya

2 In Xabad joojin waarta lla dhex dhigo kooxaha ku dagaalamaayo Soomalaiya

3 Sidee dalka Soomaaliya loogu sameyn lahaa Axdi ku meel gaar ah

4 Sidii loo samen lahaa Barlamaan ka kooban kooxaha isaga soo horjeeda siyaasada Soomalaiya

5 In la dhiso Dowlad ku meel gaar ah oo ka kooban dhamaan garabyada sida weyn isaga soo horjeeda siyaasada Soomaaliya dowladaasi oo u diyaarin doonto sidii dalka Soomalaiya uga dhici lahye doorashooyin guud oo ah xaga das tuurka iyo cidii hogaamin laheyd Soomaaliya.

Ilahaasi ayaa sheegay in laga soo xigtay Ergayga qaaska ah ee Qaramada Midoobay in uu yiri dowladii laga soo unkay dalka Kenya in aysan heysan taageerada intabdan shacabka Soomaaliyeed taana waa tan keentay in dagaalada Soomaaliya ay sii daba dheeradaan

Furitaanka Shirka ka furmmayo Jabuuti ee loogu tala galay Soomaalida ayaa waxaa ka qeyb galayo madax ka socoto dalalka Afrika kuwaas oo ay ku jiraan madaxweyne yaal Afirkaan ah iyadoona shirkaasi ay ka soo qeyb galayaan xubnaha joogtada ee Golaha Amaanka.

War Deg Deg ah: Ciidamada Maxkamadaha Islaamka ee Soomaaliya oo Caawa Siidaayay Xildhibaan Cusmaan Caato.

Maajo 30, 2008

Ciidamo ka Tirsan Maxkamadaha Islaamka oo galabta gacanta u galay Xildhibaan Cusmaan Caato oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka DFKM xili uu mararayay inta u dhaxeysa Leego iyo Yaaq bari weyne oo mudo Saacdo ay heysteen Xildhibaanka ayaa caawa ay siidaayeen.

Xildhibaan Cusmaan Caato oo Markii la siidaayay Waajidpress ay la xiriirtay ayaa waxa uu sheegay in Xaaladiisa ay wanaagsantahay islamarkaana uu ka gaabsaday in uu faah faahin ka bixiyo qaabkii loola dhaqmeen mudadii uu gacanta ugu jiray Ciidamada Maxkamadaha islaamka.

Galabta ayaa Ciidamo ka tirsan Maxkamadaha islaamka waxa ay qabteen Xildhibaan Cusmaan Caato xili uu mkarayey wadada isku xirta leego iyo Yaaq bari Weyne islamarkaana aan la garan halka ay la’aadeen waloo markii danbe ay siidaayeen Ciidamadii qabsaday.

Waa markii ugu horeysay oo Mas’uul ka tirsan baarlamaanka DFKM gacanta u galo xoogaga ka soo horjeeda DowladaTan iyo markii Dowlada ay soo Caga dhigatay gudaha dalka Somaliya

War Deg Deg ah: Ciidamada Maxkamadaha islaamka ee Somaliya oo gacanta ku dhigay Xildhibaan Cismaan caato

Maajo 30, 2008

Ciidamo ka tirsan Maxkamadaha islaamka ee Somaliya ayaa goor dhaw gacanta waxa ay ku dhigeen Xildhibaan Cismaan Cali caato xili uu marayay wadada isku Xirta leego iyo Yaaq biri weyne ee Gobolka Sh Hoose .

Lama oga halka ay la Aadeen Ciidamada Maxkamadaha islaamka ee Somaliya Xildhibaanka iyo gaadiidkii uu watay sida Waajidpress ay u xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Saraakiil ka tirsan Maxkamadaha islaamka ee Somaliya ayaa Shabelle u xaqiijiyay in Ciidamo taabacsan Maxkamadaha islaamka ee Somaliya ay gacanta ku dhigeen Xildhibaan Cusmaan Cali Caato xili uu marayey wadada isku xirta leego iyo Yaaq Biri weyne.

Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka oo maanta go’aamiyay in Maamulo cusub oo dadka soo dooranaya dadka loo sameeyo Gobolada Banaadir iyo Jubada Hoose

Maajo 30, 2008

Fadhi xasaasi ah oo ay maanta Magaalada Muqdisho ku yeesheen Golaha Wasiirada Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa looga hadlay arrimo dhawr ah oo ku saabsan xaaladda dalka, gaar ahaan xaaladaha ka jira Gobolada Jubadda Hoose iyo Gobolka Banaadir.

Kulankan oo shir Guddoominayay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ayaa waxaa warbixin looga dhigaystay Wasiirka arrimaha Gudaha Muuse Nuur Amiin kaas oo warbixintiisa kaga hadlay xaaladaha Gobolada dalka, isagoo soo gudbiyay Gobolada leh Maamul dadka ku qanacsan yihiin iyo Gobolo aan Maamul lahayn.

Shirkaas markii uu dhamaaday ayaa Saxaafadda waxaa la hadlay afhayeenka Dowladda KMG ah Cabdi Xaaji Goobdoon waxaa uu sheegay in Golaha Wasiirada isku raaceen in Maamulo loo sameeyo Gobolada Banaadir iyo Jubada Hoose.

Maamuladaas ayaa waxay noqonayaan kuwa dadka soo doorta sida uu yiri Cabdi Xaaji Goobdoon oo sharaxaad ka bixinayay go’aanada Wasiirada maanta gaareen.

Gobolka Banaadir ayaa waxaa uu leeyahay Maamul KMG ah oo Maxamed Dheere Madax ka yahay kaas oo muddooyinkan dambe xubnihiisa ka dhaxeeyay khilaaf sababay wada shaqeyn la’aan taas oo gaartay in kuxigeenada Maxamed Dheere la kulmaan Madaxweynaha iyagoo dacwad ka ah Maxamed Dheere.

Magaalada Kismaayo oo ay Maamulaan maleeshiyada beesha Sade ayaa iyadana lahayn Maamul Dowladda hoos tago, taasi ayaa keentay in la yiraahdo Maamul baa loo sameynaya kaas oo dadka soo dooranayaan.

Maxamed Xasan Xaad “Ciidamada AMISOM wey ka baxeen dhexdhexaadnimadii ay sheegan jireen, waxayna la safteen kuwa Itoobiya

Maajo 30, 2008

Guddoomiyaha golaha dhaqanka iyo midnimada beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad ayaa si kulul uga jawaabay hadal maalmo ka hhor ka soo yeeray afhayeenka ciidamada AMISOM ee Somalia oo ahaa in deegaano ka tirsan magaalada Muqdisho oo ay ka mid yihiin Dayniile iyo Hodan laga soo abaabalayo weeraro ka dhan ah ciidamadooda oo la mid ah kuwii dhowaan lagu soo qaaday farsiinkooda isgoyska Km-4 ee magaalada Muqdisho.

 

Xaad ayaa ku tilmaamay eedeeynta uu afhayeenku u jeediyey degmooyikasi mid lagu doonayo in baneysto xasuuq hor leh oo loo geysto shacabka Soomaaliyeed ee degmooyinkaasi ku nool oo hadda buu yiri la daalaa dhacaya dhibaatada ay habeen iyo maalin ku hayaan ciidamada Itoobiya ee dalka ku soo duulay sida uu hadalka u dhigay wuxuuna sheegay in taasi ay astaan u tahay in ciidamada AMISOM ay ka baxeen dhexdhexaad-nimadii ay sheegan jireen isla markaana ay doonayaan iney ku lug yeeshaan dagaalada ka socda magaalada Muqdisho.

Warka ka soo yeeray ciidamada AMISOM waxaa uu yeeriyey cadowga umadda Soomaliyeed ee maaha mid iyaga ka yimid sida ka muuqata, waxaana u sheegeynaa haddii aysan si deg deg ah raali gelin uga bixinin in dhibaatooyin ka badan kuwa ay hadda la kulmaan ay wajahi doonaan, isla markaana loola dagaalamni doono sida loola dagaalamo ciidamada Itoobiya” ayuu intaa ku daray Maxamed Xasan Xaad guddoomiya golaha dhaqanka iyo beelaha Hawiye.

Madaxweynaha DFKM ´C/laahi Yuusuf Axmed oo ku sii jeeda dalka Jabuuti

Maajo 30, 2008

Muqdisho:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in la filayo in C/laahi Yuusuf Axmed Madaxweynaha DFKM  in uu socdaal ku tago dalka Jabuuti halkaas oo uu ka furmi doono maalinta sabtiga shir u dhexeeya DFKM iyo Isbahaysiga  dib u xoraynta Soomaaliya.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxweynaha DFKM uu kulamo la qaadan doono wafdi heersare ah oo ka socda QM oo soo gaari doona dalka Jabuuti si ay uga qeyb galaan kulanka dhex mari doona DFKM iyo Isbahaysiga  dib u xoraynta Soomaaliya.

Waftiga ka socda QM ee u kuurgalaya wada hadallada u dhexeeya kooxaha isku haya siyaasada Soomaliya ayaa socdaal ku mari doona wadamo badan oo Afrikaan, kuwaasi oo ay ka jiraan mashaakillaad xoogleh  sida Sudan Somalia iyo Cheda.

Waxaa isna Furmi doona  maalinta berri wadahadaladii u dhexeeya Isbahaysiga  dib u xoraynta Soomaaliya iyo DFKM xili khilaaf xoogan uu soo kala dhex galay Isbahaysiga  dib u xoraynta Soomaaliya uuna u kala jabay laba garab oo kala fadhiya Asmara iyo Jabuuti

Ilaa hada ma cada in kulanka berri uu  qayb ka noqon doono madaxweynaha DFKM C/laahi Yuusuf Axmed, iyo in labada garab ay is hor fariisan doonaan.

War Deg Deg ah: Weerar Duqeyn Hoobiyeyaal ah ayaa lagu qaaday Garoonka Diyaaradaha Galkacyo.

Maajo 30, 2008

Wararka ka imaanaya Magaalada Galkacyo ayaa sheegaya in dhowr Hoobiyeyaal ah lala eegtay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Galkacyo ee Maamul Goboleedka Puntland.

Warar hor u dhac ah ayaa ka soo baxaya Duqeyntaas, waxaana la sheegay in ay geysteen Kooxo aan ilaa iyo hada la aqoon, waxaana socda baaritaan uu haatan wado Maamul Goboleedka Puntland.

Mas’uuliyiinta Maamulka Puntland ee Magaalada Galkacyo ayaan wax war ah ka soo saarin Duqeyntaas oo aan wax khasaare ah geysan, hase ahaatee qeybo ka mid ah Garoonka uu soo gaaray Bur bur.

Warar qaar ayaa sheegaya in duqeynta Hoobiyeyaashaas ay ka soo dhaceen dhinaca Koonfureed ee Magaalada, halkaasoo ah meel ka madax banaan Maamulka Puntland.

Ma jirto faah faahin rasmi ah oo laga helayo duqeynta maanta loo geystay Garoonka Diyaaradaha Puntland, waxaase tani noqoneysaa mid ku cusub Deegaanada maamul Goboleedka Puntland

Dowlada Jarmalka oo xaqiijisay in Markab laga leeyahay dalkeeda lagu Afduubtay xeebaha wadanka Somaliya

Maajo 30, 2008

Dowlada Jarmalka ayaa waxa ay sheegtay in ay leedhahay mid ka mid ah labadii Markab oo Shalay lagu Afduubtay Xeebaha Wadanka Somaliya.

Sarkaal Sare oo u hadlay Waaxda Arimaha dibada ee wadanka Jarmalka ayaa waxa uu xaqiijiyay in dowlada Jarmalka ay leedahay mid ka mid ah laba Maraakiib oo shalay lagu Afduubtay Xeebaha Wadanka Somaliya laga lahaan wadeeda.

Sidoo kale Sarkaal u hadlay ururka badmareenada Caalamka Androrew Mwangura ayaa isaguna xaqiijiyay markabka lagu magacaabo MV lehmann timbe laga lahaa wadanka Jarmalka .

Maraakiibtaan ayaa la sheegay in koox burcad badeed Soomaali ah ay ku soo Weerareen gacanka cadmeed iyagoo ku hubeysan qoryaha garabka laga Tuuro ee Baasuukaha loo Yaqaano islamarkaa si xoog ah ay u wateen,waxaana burcad badeeda ay wateen laba doonyo oo ah kuwa dheereeya ay ku soo Weerareen maraakbiibtaasi.

Kooxaha burcad baeeda Afdiuubatay labadaan markab ayaa ah kuwa Afduubtay dhaawaan markab laga leeyahay wadanka Holland sida uu shegay Adrew Mwangura.

Markabka lala Afduubtay MV lehmann timbe ee laga leeyahay wadanka Jarmalka ayaa isna laga leeyahay wadanka Turkiga,waxaana markabkaan lagu magacaabaa MV arean islamarkaa ay leedahay Shirkad lagu Magacaabo Arkia Company oo ka howl gasha wadanka Malta.
Maraakiibta Todobaadkaan gudihiisa lagu Afduubtay Xeebaha wadanka Somaliya ayaa waxa ay gaarayaan ilaa sedx Markaabiib,waxaana Afduubtay Burcad badeed Somaali ah kuwaasi oo doonaya in maraakiibtaasi laga siiyo lacag Madax Fursho ah.

Andrew MWangura ayaa waxa uu sheegay in ay helayaan xaalada ay ku sugan yihiin Shaqaalaha saran sedax Maraakiib ee dhawaan Xeebaha Somaliya lagu Afduubtay balse uusan sheegin wadamada ay u kala dhasheen.

Maalintii Axada ayaa Burcad badeed Somali ah waxa ay Afduubteen markab laga leeyahay wadanka Holland oo lagu magacaabo MV amiya Scan waxaana markabkaasi saran ilaa 9 shaqaale ah kuwaasi oo u kula dhashay wadamada Russia Filipino islamarkaana loola dhaqaaqay Xeebaha Puntland

Ururka Bad mareenada Caalamka ayaa ugu baaqay Maraakiibta aadaya Xeebaha wadanka Somaliya ayna ahaadaan kuwo feejigan oo qala beesan.

Gaalkacyo: khilaaf soo kala dhaxgalay maamulka waqooyiga gaalkacyo iyo kan koofurta gaalkacyo

Maajo 30, 2008

Gaalkacyo: Iyadoo maalmihii ugu danbeeyay aay soo baxayeen warar sheegaya in uu jiro khilaaf soo kala dhaxgalay maamulada Puntland iyo maamulka koofurta magaalada Gaalkacyo ee G/mudug state ayaa waxaa maalintii shalay si cad uu usoo ifbaxay khilaafka labada dhinac kidib markii duqa koofurta magaalada Gaalkacyo uu la hadlay saxaafada islamarkasna uu uga warbixiyay khilaafka la sheegay in uu soo kal dhaxgalay labada maamul.

Duqa koofurta magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in aay Puntland ku soo xad gudubtay gooba aaysan ka arimin waxuuna sheegay in deegaanada aay iminka ka sameesay saldhigyada boolisna aay yihiin deegaano ka tirsan maamulka k/ magaalada gaalkcyo ,hasa ahatee arintaasi waxaa gaashaanka u daruuray gudoomiyaha xafatulcarab oo ah xafada iminka aay is ku haystaan labada maamul waxuuna gudomiyuhu sheegay in dadka ku dhaqan xafadasi aay yihiin dad ka tirsan maamulka puntland islamarkasna wararka ka soo yeeraya masuuliyiinta koofurta gaalkacyo aay yihiin warar la iska yiri oo aan laga fiirsan, waxana cadayneenaa ayaa ayuu yiri gudoomiyuhu in dadka ku dhaqan xafadaani aaysan ka mid aheen maamulka koofurta gaalkacyo.

Maalmihii ugu danbeeyay ayaa waxa soconayay dadaalo lugu doonayay in saldhigyo loogu sameeyo xafadaha magaalada galkacyo gaar ahaan kuwa aay ka arimiso maamulka puntland maadaama aay soo afjarantay qeebinta xafadaha oo in muda ah aay waday dowlada hoose ee magaalada gaalkacyo gaar ahaan waqooyiga,saldhigyadaan loo sameenayo xafadahasi ayaa waxaa looga golleyahay sida uu ii sheegay sargaal ka tirsan ciidamada booliska oo magaciisa ka gaabsaday in lugu adkeeyo amaanka si aay xafad waliba amaankeeda loo xakameeyo.

Balsa arintaan ayaa cirka is ku shareertay kidib markii xafatulcarab oo ah xaafad kala qeebisa labada maamul laga sameeyay saldhig boolis taasina waxa aay dhalisay in ciidama ka amar qaata maamulka koofurta aay burburiyaan tabeeloyaal laga dhisay goobta loo calaamadeeyay saldhiga oo kutiilay bartamaha xafadasi.

Hase ahaate waxaa isla goobtasi gaaray ciidama ka tirsan maamulka puntland oo loogu tala galay in aay xoojiyaan amaanka goobtaasi tasina waxa ay keentay in maamulka koofurta uu sheego in aay puntland ku soo xad gudbtay gooba aaysan ka arimin.

Amuurtaan ayaa kuu soo beegantay xili aay socdaan kulamo aay yeelanayaan masuuliyiinta labada dhinac kaasoo looga arinsanayo xalada iminka ka taagan xafadsi iyo sida ugu haboon oo looga gudbi karo waxana sidoo kale jiray kulan asna dhacay maalintii shalay kaasi oo dhaxmaray masuuliyiin ka socotay maamulka puntland iyo doqowda xafadasi waxana la is la falanqeeyay arima fara badan oo aay ka mid ahaayeen xalada iminka taagan,

Waxana dhamaan masuuliyiintii halkasi ka hadashay sheegeen in loo bahan yahay in la dajiyo xaalada oo aan laga dhigin wax adag inkastoo odayashii xafadasi aay u sheegeen masuuliyintaasi in aay xafdoodu hoostagto maamulka puntland oo aay kamid tahay goobaha aay ka arimiso

Hadal heenta ugu badan magaalada gaalkacyo maanta ayaa ah arintaa iyada ah waxana dad badan is waydiinyaan halka ay ku danbeen doonto iyadoo aay hada socdaan dadaalo la doonayo in arintaa lugu xaliyo.