Archive for Abriil, 2009

Sheekh Xasan Daahir Aweys oo Muqdisho ka wada abaabul ka dhan ah xukuumadda Madaxweyne Shariif.

Abriil 30, 2009

Hogaamiyaha Isbaheysiga Dib U Xoreynta garabkiisa Asmara Sheekh Xasan Daahir Aweys oo dhawaan dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho aya wada abaabul xoog leh oo ka dhan ah xukuumadda madaxweyne Shariif.

Ilo wareedyo muhim ah oo aan helnay ayaa sheegaya in Sheekh Xasan uu kulamo gooni gooni ah kula yeelanayo Muqdisho xubno muhim ah oo kamid ah Ururka Al-Shabaab, Ganacsato iyo Odayaal dhaqameedyo iyadoona kulamadaasi uu diiradda ku saarayo mowqif mid ah oo laga istaago xukuumadda KMG ah.

Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa dhawaan dalbaday in uu la kulmo madaxda ugu sareysa Al-Shabaab iyadoona kulan saacado qaatay ay wada galeen balse aan la ogeen waxyaabihii ay kuwada heshiiyeen sida aan xogta ku helnay.

Sidoo kale waxaa kulankaasi ka horeeyay kulamo uu Sheekh Xasan la qaatay qaar kamid ah horjoogayaasha beelaha Muqdisho iyo ganacsatada caanka ah kuwaasi oo uu kala hadlay qaabka loo wajahayo marxaladda cusub.

Wararka qaar ayaa sheegaya in laga yaabo maamul mideysan in xoogaga Islaamiga ah ay kaga dhawaaqayaan dalka Somaliya isla markaana si toos ah ay uga hortagayaan dawladda madaxweyne Shariif iyo ciidamada AMISOM.

Baarlamaanka Soomaaliya oo loo raadinayo meel nabadgelyo ah oo uu ku shiro

Abriil 30, 2009

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa tan iyo markii madaafiicda lagu weeraray horraantii todobaadkan waxaa qabsoomi la’ kulamadii u socday Mudanayaasha Baarlamaanka, waxaana haatan socda dadaallo Baarlamaanka loogu raadinayo meel uu ku shiro.

Xaruntii Gaadiidka Booliska oo haatan Xarun KMG ah u ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa shalay ku qabsoomi waayay kulan uu Baarlamaanka yeelan lahaa, waxaana taasi ugu wacneyd iyadoo laga baqay in haddana mar kale la duqeeyo Xarunta Baarlamaanka iyo xaafadaha ku dhow, sidaasna ay khasaare ku soo gaarto dadka rayidka ah ee ku nool xaafadaha ku dhow xarunta Baarlamaanka iyo xitaa mudanayaasha qudhooda.

Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud oo ka mi dah Mudanayaasha Baarlamanaka Soomaaliya ayaa sheegay in sababta uu u baaqday kulankii baarlamaanka ay tahay iyadoo laga baqay in ay dhibaato kale soo gaarto dadka rayidka ah ee degan xaafadaha u dhow Xarunta Baarlamaanka.

Guddiga Ammaanka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la sheegayaa in uu haatan ku howlan yahay sidii uu Baarlamaanka u yeelan lahaa meel ammaan ah oo uu ku qabsado kulamadiisa caadiga ah, iyadoo la filayo in guddigaas uu soo bandhigo halka ay u garteen in uu Baarlamaanka ku shiro.

Sabtidii aynu ka soo gudubnay ayay ahayd markii madaafiic lagu duqeeyay xaafado ku dhow Xarunta KMG ah ee Baarlamaanka ay geysteen dhimashada dad 10 ruux ka badan iyo dhaawac iyana intaas ka sii badan.

Sarkaal sare oo ka tirsan Alshabaab oo sheegay inay dib u xoreyn doonaan Magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusa Mareeb.

Abriil 30, 2009

Sheekh Fu’aad Maxamed Khalaf Shongole oo ka tirsan saraakiisha sar sare ee Ururka Alshabaab ayaa ku goodiyay inay dib u xoreynayaan Magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusa Mareeb ee Gobolka G/gaduud, halkaasoo ay gacanta ku hayaan Ahlu Sunah Waljamaacah.

Sheekh Fu’aad Shongole oo isagoo ku sugan Gobolka Hiiraan la hadlayay Idaacada Codka Nabada ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Guriceel iyo Dhuusa Mareeb ay ka xureyn doonaan waxa uu ugu yeeray Mujrimiin qaadicul dariiq ah.

Waxaa uu sheegay in aysan waxba ka jirin magaca ay sheegayaan ee Ahlu Sunah Waljamaacah, waxaana uu ku tilmaamay inay yihiin Cadawga Ilaahey sida uu hadalka u dhigay.

“Inshaa Allaah waan xureyn doonaa Guriceel iyo Dhuusa Mareeb, kuwa magacyada sheeganaya ee Mujrimiinta ah waan ka saari doonaa”ayuu yiri Sheekh Fu’aad Shongole oo ka mid ah Mas’uuliyiinta sar sare ee Alshabaab.

Sheekh Fu’aad ayaa sheegay inay si wanaagsan u garanayaan kooxahaas, isagoona ku tilmaamay dad asalkooda ahaa kuwo burcad ah oo dadka wadada ku dhibaateyn jiray iyo kuwa kale oo uu ugu yeeray inay ahaayeen Geel Jire sida uu hadalka u dhigay.

Maleeshiyaad ka tirsan Ahlu Sunah Waljamaacah oo gacanta ku haaya Xarunta Degmada Dhuusa Mareeb iyo Guriceel ayaa bilowgii sanadkan iyo dhamaadkii sanadkii tagay dagaalo kula galay deegaanadaas Xoogag Alshabaab, iyadoona halkaas Alshabaab lagu soo gaarsiiyay qasaaro iyo jab xoogan, iyadoona lagala wareegay gacan ku heynta Labadaas degmo.

Xiisadaha u dhaxeeya labada koox diimeed ayaa ah mid wali taagan oo halkoodii ka soo socda, waxayna wali wadaan gulufyo colaadeed iyo abaabulo kala duwan, mana jirto cid kala dhex gashay dhinacyadan iska soo horjeeda oo ku loolamaya gacan ku heynta Gobolka G/gaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Ciidamada Xisbul Islaam oo koox burcad ah xoog uga soo furtay sadex gaari oo ay ku dhaceen duleedka degmada Afgooye

Abriil 30, 2009

Xoogagga Xisbul Islaam ee ka arrimiya degmada Afgooye ee gobolka Sh/dhexe ayaa waxay ku guuleysteen inay dib u soo celiyaan ilaa saddex gaari oo kuwa rakaabka ah oo waqtiyo kala duwan ay kooxo hubeysan ku dhaceen deegaano hoos yimaada degmada Afgooye, kuwaasoo lagu wareejiyay milkiilayaashii laga lahaa.

Saraakiisha dhinaca ammaanka ee Xisbul Islaam ee degmada Afgooye oo saxaafada la hadlay ayaa waxay sheegeen in gawaaridaasi ay ku soo qabteen hawl gal 24-kii saac ee ugu dambeeyay ka sameeyeen gudaha iyo daafaha degmada Afgooye, balse faah-faahin kama bixinin meesha ay ku dambeeyeen iyo sida ay ka yeeleen kooxihii dableyda ahaa ee dhaca u gaystay gawaaridaasi.
Gawaaridan ay dib u soo celiyeen xoogagga Xisbul Islaam ayaa waxaa lagu wareejiyay milkiilayaashii iyadoo xafladdii lagu wareejinayay ay ka dhacday xaruntii hore ee xisbiga ee degmada Afgooye, iyadoo milkiilayaashii gawaaridaasi ay si aad ah ugu mahad celiyeen ciidamada ammaanka Xisbul Islaam gacanta ay ka gaysteen inay gawaaridooda dib u helaan.

Ganacsade saakay lagu dilay Suuqa Bakaaraha.

Abriil 30, 2009

Muqdisho:-Kooxo hubeysan ayaa saakay toogasho ku dilay nin magaciisa lagu sheegay Mukhtaar oo ka mid ahaa ganacsatada caanka ah ee Suuqa Bakaaraha magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Somalia.

Ninkan oo magaciisa lagu soo gaabiyey Mukhtaar ayaa waxaa lagu dilay ilinka hore ee bakhaarkiisa oo ku yaala agagaarka Suuqa Timirta ee Suuqa Bakaaraha,waxaana dilay rag wajiyada soo duubtay oo ku hubeesnaa bastoolado sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa rasaastu ay ka haleeshay madaxa iyo oogada waxaana isla markiiba goobta ka baxsaday kooxihi weeraray kuwaas oo gudaha ugalay Suuqa Bakaaraha,goobta falku uu ka dhacay ayaa waxaa ka cararay dadki ku sugnaa iyada oo marki danbe dib loogu soo laabtay goobta oo aheyd meel shaah laga cabo.

Maalmahan ayaa waxaa kusoo batay Suuqa Bakaaraha falalka dilalka ah,waana dilkii sadexdaad oo mudo todobaad ah ka dhaco gudaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho,waxaana arrintaan ay kusoo beegmeeysaa xilli ay xiisado colaadeed ka dhex oogantahay kooxaha muqaawamada.

War Deg Deg ah: Bam Xalay lagu weeraray guriga madaxa hay’adda Save The Children ee Gobolka Hiiraan

Abriil 29, 2009

Hiiraan:-Waxaa xalay weerar bam ah lagu qaaday guri uu deganaa madaxa hay’adda Save The Children ee Gobolka Hiiraan Cali Cabdi Wehliye waxaana weerarka ku dhaawacmay ilaa 3-qof oo ku sugnaa guriga.

3 qof ee dhaawacauu soo gaaray ayaa waxaa ka mid ah Xaaskii Cali Bile iyo gabar uu dhalay iyo ruux ay qaraabo ahaayeen oo ku sugaa guriga waxaana qaraxa ka badbaaday Cali Cabdi Weheliye.

Mr. Cali Bile ayaa diiday in uu faahfaahin ka bixiyo weerarka lagu qaaday xalay guigiisa wuxuuna ka gaabsaday in uu cid u saaro weerarka xalay lagu qaaday gurigiisa.

Ciidanka Maamulka Maxkamadaha Islaamka ee Baladweyne ayaa goobta soo gaaray xalay waxayna sheegeen in ay baarayaan cida ka danbeysa weerarkii xalay.

Boqore “Shareecada Islaamka waxaan u hirgelin doona siduu Alle u soo dajiyay, AMISOM way baxayaan”

Abriil 29, 2009

Gudoomiye Kuxigeenka 2aad ee Golaha Baarlamaanka Dowladda Islaamiga Cusmaan Cilmi Boqore ayaa shaaca ka qaaday in aanay ka meer meeri doonin hirgelinta Shareecada Islaamka oo uu dhowaan ansixiyay Baarlamaanka Soomaaliya.

Cusmaan Cilmi Boqore ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay in Shareecada Islaamka ay ku dabaqdo sidii Alle u soo dajiyay, waxaana uu carabka ku dhajiyay in Ciidamada AMISOM ay dalka ka baxayaan sida uu hadalka u dhigay.

“Shareecada Islaamka waxaan u hirgelin doona siduu Alle u soo dajiyay, Ciidamada AMISOM ee la leeyahay ha baxeen way baxayaan”ayuu yiri Cusmaan Cilmi Boqore oo xalay la hadlayay Idaacadaha qaar ee Magaalada Muqdisho.

Waxaa uu sheegay in Ciidamada AMISOM aanay dalka sii joogeyn, ayna ka bixi doonaan, waxaana uu sheegay in marka hore loo baahan yahay in dhinacyada Soomaalida ka heshiiyaan wixii caqabad ah oo dib u heshiisiinta iyo nabada ku horgudban.

Hadalka Gudoomiye Kuxigeenka 2aad ee Golaha Baarlamaanka ayaa ku soo aadaya xilli dhowaan Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif uu adkeeyay in Ciidamada AMISOM aanay dalka ka baxeyn ilaa laga dhameystiro dib u heshiisiinta.

Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka oo safarikii u horeeyay ku yimid Magaalada Muqdisho, tan iyo markii Baarlamaanka la ballaariyay

Abriil 29, 2009

Gudoomiye Kuxigeenkii 1aad ee Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Cumar Dhalxa ayaa safarkii u horeeyay ku soo gaaray Magaalada Muqdisho tan iyo markii la ballaariyay Baarlamaanka, isla markaana Dowlad wadaag lagu soo dhisay Dalka Jabuuti.

Gudoomiye Kuxigeenka oo shalay soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay safaradii uu ku kala bixiyay dalal dhowr ah oo ka tirsan Carabta iyo Afrika, isagoona sheegay in safaradaas ay intooda badan ahaayeen kuwo guul ku soo dhamaaday.

Prof. Dhalxa oo ka hadlayay xaaladda guud ee dalka Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in ay tahay wax lagu farxo yididiilada cusub ee ummadda Soomaaliyeed gashay oo ah in nabadda loo istaagay, dhibkii 18-ka sano ka jiray dalka Soomaaliyana xal loo helay, wuxuuna intaasi ku daray in beesha caalamka ay garawshiiyo ka bixisay in aanay si buuxda Soomaaliya u taageeran 18-kii sano ee la soo dhaafay.

“Dawladda cusub ee Soomaaliya ee lagu soo dhisay dalka aynu walaalaha nahay ee Jabuuti ee baarlamaanka lagu mideeyay, madaxweyne lagu doortay, ra’iisul wasaare iyo gole wasiirrana lagu soo magacaabay intaba waxay ka turjumeysaa sida ay ummadda Soomaaliyeed maanta ugu bisishahay inay helaan, iskuna xukumaan shareecada Islaamka”ayuu yiri Prof. Maxamed Cumar Dhalxa oo dhinaca ugu baaqay dhamaan shacabka Soomaaliyeed inay midoobaan oo khilaafaadka meel iska dhigaan.

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Cumar Dhalxa ayaa dhinaca kale ka warbixiyay safarro ay ku kala bixiyeen dalal ay ka mid yihiin Iiraan, Masar iyo dalka Siiriya oo ugu dambeeyay, wuxuuna sheegay inay aad ugu mahad celinayaan madaxweynaha dalka Siiriya Bishaar Al-asad oo ka oggolaaday in labo xabsi oo ku taalla dalkaasi laga sii daayo maxaabiis Soomaali ah oo boqol ka badan oo qaarkood lagu eedeeyay falal argagaxiso.

Madaxweyne Sheekh Shariif oo ka soo horjeestay qorshe ay wateen Prof. Geeddi iyo taageerayaashiisa

Abriil 29, 2009

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hor yimid qorshe ay wateen Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi oo hada ah Mudane ka tirsan Baarlamaanka iyo Taageerayaashiisa, kaasoo oo ahaa dhismaha Maamul Goboleed la mid ah kuwa Puntland iyo Somaliland.

Warar hoose oo aynu ka helnay Xafiiska Madaxweynaha ayaa sheegaya in intii uu joogay Dalka Belgium uu Madaxweynuhu diiday inuu qaabilo Rag uu soo dirsaday Prof. Geeddi, kuwaasi oo ka kala yimid Dalalka UK, Fransa, Jarmalka, Holland iyo Kenya, kuwaasoo intooda badan ahaa rag ku heyb ah Madaxweynaha.

Sida uu inoo xaqiijiyay mid ka mid ah Xogheynada Xafiiska Madaxweynaha kooxda ka socotay dalalkaas waxaa hogaaminayay nin lagu magacaabo Eng Maxamed Morocco, waxaana qorshaha ay wateen ka mid ahaa in la dhiso Maamul Goboleed lagu magacaabo Bandir-Land.

Wararkan ayaa intaa ku daraya in Madaxweyne Shariif oo horay qorshahan loogu sii gudbiyay ayaa gebi ahaanba diiday inuu la kulmo, maadaama uu ka war hayay ajandaha ay wateen oo uu dabada ka soo riixayay Ra’iisul wasaarihii hore Prof. Geeddi oo hada degan Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Xubnahan ayaa markii dambe la sheegay in iyagoo careysan ay dib ugu laabteen dalalkii ay ka kala yimaadeen, waxaana qaarkood ay bilaabeen shirar hoose oo ay ku qabtaan dalalka Kenya iyo UK kaas oo ay ku mucaaradayaan Madaxweyne Shariif, kadib markii uu ku gacan seyray inuu ka aqbalo ajandayaashii ay wateen.

Taliyihii Ciidamada Sirdoonka Puntland ee gobolka Mudug oo ku dhintay qarax ka dhacay magaalada Gaalkacyo

Abriil 29, 2009

Qarax aad u xoog badan oo goor dhawayd ka dhacay magaalada gaalkacyo ee xarunta u ah gobolka Mudug ayaa  lala beegsaday gaari nooca dagaalka ah oo ay leeyiihiin Ciidamada Sirdoonka Puntland ee PIS-ta.

Waxaa ku dhintay qaraxaasi   oo ahaa Bam Gacmeed  taliyihii Ciidamada Sirdoonka Puntland ee gobolka Mudug Yaasiin Sanwayne, waxaa ku dhaawacmay qaar ka mid ah askartii la socotay gaariga la weeraray ee uu Taliyaha wax ka saarnaa.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in ay maqlayeen Qarax iyo rasaas xooggan oo is-xigay,waxaana markii danbe goobta uu qaraxa ka dhacay gaaray ciidamo isku dhaf ah oo isugu jira PISta iyo kuwa degmada.

Warar hoose oo goor danbe ah soo baxayna waxa ay sheeegayaan in ciidanka sirdoonka ay qaraxaasi u qab qabteen ilaa 5 ruux oo ka ag dhawaa goobta uu qaraxu ka dhacay.

Ma jiro Mas’uul ka tirsan maamulka degmada oo ka hadlay qaraxaasi oo ka dhacay aagga Hotel Magan ee magaalada Gaalkacyo ,waxaana uu qeyb ka noqonayaa qaraxan amni darro ka jirta gudaha magaaladaasi.