Archive for Diseembar, 2015

War deg deg ah: Wiilal Dhalinyaro ah oo ay AL-SHABAAB hadda Gowracdey kuna eedeysey basaasnimo – Magacyada

Diseembar 31, 2015

WAAJIDPRESS – 31 DEC 2015:

Ururka Al Shabaab, ayaa waxay gelinkii dambe ee maanta ay xukun dil ah ku fuliyeen illaa shan nin, ka dib markii ay ku eedeeyeen inay u basaasayeen Dowladaha Somaliya iyo Mareykanka.

Raggan oo lagu qisaasay Fagaaraha Degmada Saakow Ee Gobolka Jubbada Dhexe, ayaa afar ka mid ah la toogtay, halka midka kalana la gowracay. Ninkan waxaa lagu eedeeyay inuu hagaayay diyaarad bilaa duuliye ah, oo duqayn ka fulisay Koonfurta Somaliya, laguna dilay dagaal-yahano Shabaabka ka tirsanaa.

Maxkamadda Degmada Saakow, ayaa in la dilo ku xukuntay raggaasi, sababo ku aadan sida ay sheegtay, iyagoo la shaqaynaayay cadowga Alle.

Ragga la dilay waxaa lagu kala magacaabi jiray:-

1). Aadan Maxamed Isaaq 19 jir

2). C/laahi Xasan Abuubakar 19 jir

3). C/najiib Cismaan Cosoble 19 jir

4). C/naasir Cali Maxamed 21 jir

5). Axmed Cali Ibraahim 22 jir.

Gudoomiyaha Maxkamadda Degmada Saakow oo Fagaarahaasi kula hadlaayay boqolaal ruux oo isugu soo baxay, ayaa dadka kaga digay inay la shaqeeyaan dhinacyada ka soo horjeeda jiritaanka Shabaabka, haddii kalana loo dili doono, si lamid ah shantii nin ee galabta lagu dilay Fagaaraha Saakow.

Ururka Al Shabaab, ayaan soo bandhigin cadaymo lagu qanci karaayo oo la xiriira in raggaasi, ay la shaqaynayeen Dowladaha Mareykanka iyo Somaliya, marka laga soo taggo oraahda ay ku caanka baxeen, ee ah (Isagaa qirtay)..

XOG: Wasiirkii hore ee Diinta iyo Awqaafta Dalka Jabuuti oo Xabsi la dhigay xili uu dhaawac yahay

Diseembar 31, 2015

WAAJIDPRESS – 31 DEC 2015:

Wararka ka imaanaya Dalka Jabuuti ayaa sheegaya in ciidamada amaanka dalkaasi ay xabsiga dhigeen wasiirkii hore ee Diinta iyo Awqaafta dalka Jabuuti, Mudane Xaamud Cabdi Suldaan iyo xubno kale oo katirsan mucaaradka dalkaasi.

Afhayeenka dallada Mucaaradka ah ee USN Daahir Axmed Faarax, ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ciidamada amaanka ay shalay xabsiga dhigeen Xaamud Cabdi Suldaan xiili uu kasoo baxay isbitaal lagu daweenayay.

Waxa uu sheegay Afhayeenka in ay wal wal xoogan ka qabaan xaalada wasiirkii hore ee Diinta iyo Awqaafta uu sheegay in uu dhaawac kasoo gaaray rabshadihii dhawaan ka dhacay Magaalada Jabuuti, waxa uuna tilmaamay in Xaamud wali uusan ka bogsoon dhaawacii soo gaaray.

Xeer-ilaaliyaha guud ee Djibouti Maki Cumar Cabdulqaadir, ayaa sheegay in la xiray 32-qof uu ku jiro wasiirkii hore ee Arrimaha Diinta iyo Aqaafta, waxa uuna tilmaamay in dadkan la xiray lagu soo oogay dacwado la xariira in ay ku lug lahaayeen rabshaddihii ka dhacay duleedka magaalada Djibouti gaar ahaan degmada Balbala.

Magaalada Jabuuti ayaa ka dhacay 21-kii December 2015-ka rabshado dad badan lagu dilay, dadka la dilay ayaana u badnaa xubno katirsan Mucaaradka Jabuuti oo xiligaasi ku sugnaa goob ay ka socotay Siyaaro.

AKHRISO THEN DAAWO VIDEO: Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari iyo wafdigiisa uu ka mid yahay Raisul Wasaare Cumar oo kulan howleed u tagey shalay Dalka KENYA

Diseembar 31, 2015

WAAJIDPRESS – 31 DEC 2015:

5db8297a-0063-481e-8f4b-49852fdb4701 123bec92-cdd8-4a54-9884-a4baa6a30c89 8240513b-2df2-4c2f-a4ca-02ccaadb6f2f-1 a6e1bf5d-d10d-4840-a56b-5d3a1a530f2a c4ed4588-614e-44d3-b2b2-f8a0cf0a09a6 cf09c657-124b-483e-9508-b5ad92c986a2

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” iyo Wafdi balaaran ee uu Hogaaminayo ee uu ka mid yahay ku xigeenkiisa Koowaad Dr. Jeylaani Iikar iyo Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke , Wasiirka Dastuurka iyo Xildhibaano kale ayaa xalay u ambabaxay Dalka Kenya wax ayna  maanta Kulan Kormeer ah kula qaateen magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya  guddiga dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka iyo guddiga dib u eegista Dastuurka ee madaxa banaan oo beryahanba howlo shaqo uga socotey Dalka Kenya.

Guddoomiyaha guddiga dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka Xildhibaan Drs. Maryan Cariif Qaasim ayaa ugu horeyn faah faahin uga bixisey Gudoomiye Prof. Jawaari halka ay  mareyso shaqada wadajirka ay u wadaan guddiga dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka iyo guddiga madaxa banaan ee dib u eegista Dastuurka waxaana ay xustay in ay labada guddi ay hada isla eegeen Afarta cutub ee hore ayadoo cutubka Shanaadna ay howshiisa gebo gebo u mareyso.

Wasiirka Wasaaradda Dastuurka ee dowladda Soomaaliya Mudane Dr. Xuseen Maxamed Sheekh Xuseen (oo ka soo jeeda BEELWEYNTA DIGIL IYO MIRIFLE gaar ahaan DABARE) oo isna ka hadlay goobta waxa uu aad u ammaanay shaqada ay wadajirka u wadaan guddiga dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka iyo guddiga Madaxa banaan waxaana uu dhanka kale xusay in Wasaaraddana ay wadashaqeyn dhow la leedahay.

Guddoomiye ku xigeenka Koobaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Jeylaani Nuur Iikar oo isna dhankiisa kulanka ka hadlay ayaa tilmaamay in tallaabadan ay qeyb ka tahay istiraatiijiyad uu Guddoonka Baarlamaanka u dejiyey in dar dar ay ku socdaan howlaha Baarlamaanka taasina ay marqaati ka tahay shuruucda iyo qaraarrada uu Golaha meel mariyey inta lagu jiro Kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa isna dhankiisa bogaadiyey shaqada ay sida wadajirka ah u hayaan guddiga dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka iyo guddiga madaxa banaan waxaana uu dhanka kale sheegay in Xukuumadda ay muhiimad gaar ah siineyso dhameystirka dib u eegista Dastuurka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” oo gebagebadii u jeediyey hadal dar daaran iyo bogaadin isugu jiray labadan guddi ee sida wadajirka ah uga shaqeynaya iney cutub cutub u eegaan dastuurka dalka waxaana uu sharaxay in shaqadan sida ay ku socoto ay Guddoonka Baarlamaanka uga gol leeyihiin in laga gun gaaro muhiimadda dib u eegista Dastuurka ayadoo markii shaqadan ay soo gebagebowdana la horgeyn doono dib u eegistaasi kulanka Baarlamaanka.

Kulan howleedkan qeybta ka ah dib u eegista Dastuurka dalka ayaa waxaa fududeyneysa hay’adda Max Planck Foundation ee dalka Jarmalka ayadoo kulankana ay goobjoog ka yihiin islamarkaana wax ka bixinayaan quburro Soomaali ah oo ka tirsan isla hay’addan – DAAWO VIDEO:

 

 

 

Ciidamada Kenya oo xiray xuduuda Somaliya iyo Kenya

Diseembar 31, 2015

WAAJIDPRESS – 31 DEC 2015:

Waxaa ku si meel gaar ihi loo xanibay isu socodkii dadka ee dalalka Somaliya iyo Kenya, illaa iyo inta ay socdaan dabaaldegyada lagu soo dhawaynaayo sanadka cusub ee 2016-ka.

Ciidan lixaad leh oo ka tirsan Militariga & Booliska Kenya, ayaa waxaa la soo dhoobay xuduuda. Waxayna Ciidanka Kenya ay joojiyeen dadkii isaga kala tallaabi jiray xuduuda ay wadaagaan Degmooyinka Beled Xaawo & Mandheera.

Xuduuda, ayaa waxaa la soo dhigay ciidankii ugu xooganaa oo ka socda Kenya. Dadkii labada dal isugu kala gooshi jiray, ayaa lagu wargeliyay in si ku meel gaar ihi loo xanibay isu socodkii dadka ee labada wadan.

Warbaahinta Kenya, ayaa waxay maanta qortay in laga feejigan yahay weeraro ay soo qaadaan Xoogaga Ururka Al Shabaab, inta dadka reer Kenya ay ku hawlan yihiin soo dhawaynta curashada 2016.

Xukuumadda Nairobi, ayaa waxay walaac badani ka qabtaa in weeraro uu kaga yimaado Ururka Al Shabaab, xilliga dhalashada sanadka cusub looga dabaaldegaayo dalkaasi.

General Joseph Boinett, Taliyaha Ciidanka Booliska Kenya, ayaa maanta sheegay in Xoogaga Boolisku ay u diyaargaroobeen suggida ammaanka, maadaama ay saacadu uun inaga xiggaan dhalashada sanadka miilaadiga.

Gaari Ambulas iyo Rakaabkii saarnaa oo la afduubey — yaa afduubey…………

Diseembar 30, 2015

WAAJIDPRESS – 30 DEC 2015:

Wararka aan ka helnay Gobalka Galgaduud ayaa sheegaya in kooxda Al shabaab ay afduubteen Gaari Ambalaas ah iyo dadkii saarnaa kuwaas oo ka howlgalayay Magaalada Dhuusa-mareeb.

Afduubka loo geystay gaarigaan iyo Shaqaalihii saarnaa ayaa ka dambeeyay, kadib markii gaariga loo diray inuu dad xanuunsan ka soo qaado tuulo lagu magacaabo Yalaxoow oo duleedka Degmada Dhuusamareeb ku taallo.

Gaariga Ambalaaska oo maraayay inta u dhaxeysa Tuulada Yalaxoow iyo Deegaanka Ceeldheer ayaa rag hubaysan oo Shabaab ka tirsan jidka ay u galeen, kadibna ay qafaasheen gaarigaasi.

Wararka waxa ay intaasi ku darayaan in gaariga ay saarnaayeen Darawalkii Baabuurka iyo Ruux Dhaqtar ah oo loo diray shaqada ku saabsan soo qaadista dadka Bukaanka ah.

Darawalka Baabuurka ayaa magaciisa lagu sheegay C/kaafi Jabaan halka Ninka Dhaqtarka ah ee gaariga la socday isagana magaciisa lagu sheegay Yaxye Cali Baari.

Ragii hubaysnaa ee Shabaabka ka tirsanaa ayaa gaarigaan la aaday dhanka Degmada Galhareeri ee Gobolka Galgaduud oo ah Degmo ay maamulaan Kooxda Shabaabka.

DAAWO: XAFLADII DHAMEYSTIRKA 145 XILDHIBAANADA MAAMULKA KOONFUR GALBEED

Diseembar 30, 2015

WAAJIDPRESS – 30 DEC 2015:

 

DAAWO: MAAMULKA KOONFUR GALBEED OO DHAMEYSTIREY XILDHIBAANADIISA DOORTEYNA GUDOOMIYE KANA DHABEEYEY IN LAGU DARO 30 HAWEEN AH OO XILDHIBAAN – DAAWO

Diseembar 29, 2015

WAAJIDPRESS – 29 DEC 2015:

image image    20151229635869786538150339Xildhibaanno_Baydhabo_lagu_dhaariyay%20(3) 20151229635869786692686941Xildhibaanno_Baydhabo_lagu_dhaariyay%20(6) 20151229635869786164574747Xildhibaanno_Baydhabo_lagu_dhaariyay%20(2) 20151229635869786013479273Xildhibaanno_Baydhabo_lagu_dhaariyay%20(4) 20151229635869786266991137Xildhibaanno_Baydhabo_lagu_dhaariyay%20(7) shariif-xasan-5

Waxaa maanta lau dhaariyay magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Bay, dufcaddii ugu dambeysey oo ah 56 xildhibaan oo Baarlamaanka maamul-goboleedka Koonfur-galbeed ka mid noqonaya.

Xildhibaannada maanta la dhaarshay ayaa waxaa ku jira 30 haween ah oo ka mid noqonaya xildhibaannada baarlamaanka Koonfur-galbeed, iyadoo horraantii bishaan December lagu dhaariyay Baydhabo 89-xildhibaan oo ka mid ah xubnaha baarlmaaanka Koonfur-galbeed, Maamulkani ayaa noqonaya maamulka keliya marka loo eego maamulada kale ee dalka ka jira  oo ka dhabeeyey in in 30 haween ah lagu daro baarlamaanada. 

Munaasabadda dhaarinta 56-ka xildhibaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa xubno ka socday wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka Somalia, Wasiirro ka tirsan kuwa maamulka Koonfur-galbeed, xildhibaannadii horay loo dhaariyay, madaxweynaha maamluka, Shariif Xasan SheekhAadan, wakiillo ka socda UNSOM, IGAD, AMISOM iyo qaybo ka mid ah bulshada ku nool magaalada Baydhabo.

Hadal uu xafladda ka jeediyay madaxa xafiiska UNSOM ee magaalada Baydhabo, Vikram Parekh ayaa ku ammaanay maamulka Koonfur-galbeed Somalia inay soo af-jareen howshii xulista xildhibaannada iyo sida ay u xaqiijiyeen in haweenku ay 20% ku yeeshaan kuraasta uu ka kooban yahay baarlmaankooda.

145 Xildhibaan oo uu ka koobnaan yahay barlamanka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta Gudoomiyaha barlamaanka u doortay Cabdullahi Mursal Xuseen (OO KA SOO JEEDA BEELWEYNTA DIGIL IYO MIRIFLE).

Gudoomiyahan ayaa noqday xildhibaanka ugu da’da weyn barlamaanka Koofur galbeed, taas oo keentay in si doorasho la’aan ah uu si kumeel gaar ah ugu hogaamiyo barlamaanka.

Tira badnida dadka ku nool gobolada Koonfur Galbeed ayaa waxaa loo sababinaayaa tirada Baarlamaanka oo noqotay tii ugu badnayd kolka loo eego Baarlamaanada hada maamulada dalka ja jira,  Tirada Xildhibaanada waa 145 Xildhibaan, waxaana si total ah ay beelaha u kala heleen sidantan:

BEELWEYNTA DIGIIL IYO MIRIFLE:  101 Xildhibaan

HAWIYE:    18 Xildhibaan

DAAROOD:  4 Xildhibaan

DIR: 14 Xildhibaan oo ay ku jirto beesha BIIMAAL

Beesha Shanaad: 8 Xildhibaan.

Tirada guud ee Baarlamaanka ka dhigaysa 145 Xildhibaan.

Baarlamaanka maamulka Koonfur-galbeed oo ka kooban 145 xildhibaan ayaa waxay isla maanta  guddoomiye KMG ah ku doorteen mudane C/lle Mursal Xuseen (BEELWEYNTA DIGIL IYO MIRIFLE) oo la sheegay in uu yahay qofka ugu da’da weyn xildhibaannada, kaasoo xilka hayn doona xildhibaannadu ay kasoo dooranayaan guddoomiyaha rasmiga ah iyo ku xigeennadiisa.

 

 

War deg deg ah: Jaaliyada Koonfur Galbeed ee Mareykanka oo qaadacay Xaflad Safiirka Somalia ee Mareykanka ku lahaa Magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka

Diseembar 29, 2015

WAAJIDPRESS  – 29 DEC 2015:

 

cawad1-250x125

 

Xaflad qaab beeleed loo soo agaasimey isla markaasna ay horboodayeen jaaliyadaha Puntland iyo Jubaland ee dalka Mareykanka laguna soo dhoweynaayey safiirka cusub ee Somalia ee dalka Mareykanka Axmed Ciise Cawad oo heyb dhow la ah madaxweynihii hore ee Puntland Faroole, oo uu wehliyo ku xigeenkiisa Taabit oo ah wiil uu sodog u yahay Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa lagu qabtay Hotel Ramada oo ku yaala magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota Maalintii Sabtida.

Xaflad oo loogu magac darey dabaaldega dib u furida safaarada Soomaaliya oo muddo 24 sano xirneyd ayaa abaabulkeeda iyo qaabka ay dhacdey laga dheehan karey is-xulafaysi siyaasadeed oo ku dhisan qabiil iyo mid maamul goboleedyo oo salka ku haaya dagaalka siyaasadeed ee xiligaan kala guurka.

Beelaha Dirifle & Mirifle oo qaadacey ka qeybgalka xaflada Minneapolis ka dhacdey ayaa sheegay sababta ay banaanka isaga istaageen ku sheegay in xafladu aheyd mid dad gaar ah ay soo abaabuleen dano gaar ahna laga lahaa, isla markaasna dadka Soomaliyeed aysan u madaxbanaaneyn ka qeybgalkeeda. Safiir Axmed Ciise Cawadna uu si hoose xiriir ula soo sameynaayey Jaaliyada Puntland kuwaasoo  oo isagu ka so jeedo, hase ahaate ay Puntland iyo Jubaland ay ka dhaadhiciyeen in ay Washigton yimaadaan xaflada ka dib si howlo badan ay u wada furdaamiyaan.

Maamulada Jubbaland & Puntland ayaa iyagu ah 2da maamul ee sida gaarka ah u doonaaya in meesha laga saaro jirintaanka maamul adag oo ay  yeeshaan dadka  iyo deegaanaada ay ku nool yihiin Digil & Mirifle ee Koonfur Galbeed Somalia. duulaankii ugu dambeeyey ee Ceelbarde iyo aqoonsiga Puntland uu cadeyn muuqata u ah ummadda Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii, Waxay beelaha Digil iyo Mirifle iyo guud ahaan jaaliyada ku abtirsada Koonfur Galbeed ee ku nool North America ugu digeen Safiirka Somalia ee Mareykanka Axmed ciise Cawad in xilka qaran ee loo ikmadey u guto si waafaqsan sharuucda dalka.

Waxay dowlada Federaalka ugu baaqeen in ay wax si degdeg ah wax uga qabato kala qeybinta jaaliyada Soomaalida ee dalka Mareykanka ee Safaaradu la timid gobolka, haddiisa aan wax laga qaban shaqo xumida soo waajahday safaaradda Somalia ku leedahay Washington in waxa laga dhaxli doono ay safaaraddu wakhti aan fogeyn albaabadu loo laabo iyadoo hab sharci ah jaaliyadu u mareyso.

SHARIIF XASAN OO KA TASHADAY BEESHA OGAADEEN SOONA DHAMEYSTIREY BAARLAMAANKA KOONFUR GALBEED

Diseembar 29, 2015

WAAJIDPRESS – 29 DEC 2015:

image  20151229635869786013479273Xildhibaanno_Baydhabo_lagu_dhaariyay%20(4) 20151229635869786164574747Xildhibaanno_Baydhabo_lagu_dhaariyay%20(2) 20151229635869786266991137Xildhibaanno_Baydhabo_lagu_dhaariyay%20(7) 20151229635869786538150339Xildhibaanno_Baydhabo_lagu_dhaariyay%20(3) 20151229635869786692686941Xildhibaanno_Baydhabo_lagu_dhaariyay%20(6)

 

Odayaasha iyo Madaxewynaha maamulka koofur Galbeed ayaa soo dhameystiray Baarlamaanka Koofur galbeed “BKG”, oo ay ka harsanaayeen xubno kale.

Shariif Xasan ayaa xalay soo dhameystiray baarlamaankiisa, waxaana isla xalay  la dhaariyay 56 xildhibaan , Iyadoo tirada GUUD ka dhigeyso 145 Xildhibaan; Waxa ayna ka soo KALA jeeda DIGIL IYO MIRIFLE, HAWIYE , SHEEKHAAL IYO BIIMAAL.

Tira badnida dadka ku nool gobolada Koonfur Galbeed ayaa waxaa loo sababinaayaa tirada Baarlamaanka oo noqotay tii ugu badnayd kolka loo eego Baarlamaanada hada maamulada dalka ja jira,  Tirada Xildhibaanada waa 145 Xildhibaan, waxaana si total ah ay beelaha u kala heleen sidantan:

BEELWEYNTA DIGIIL IYO MIRIFLE:  101 Xildhibaan

HAWIYE:    18 Xildhibaan

DAAROOD:  4 Xildhibaan

DIR: 14 Xildhibaan oo ay ku jirto beesha BIIMAAL

Beesha Shanaad: 8 Xildhibaan.

Tirada guud ee Baarlamaanka ka dhigaysa 145 Xildhibaan

 

Xaflad lagu qabtay magaalada Baydhabo waxaa ka qeyb galay xubno ka socday wasaarada arimaha gudaha xukuumada Soomaaliya, urur goboleedka IGAD, xafiiska UNSOM iyo AMISOM – AKHRISO 56 Xildhibaan ugu dambeeyey ee la magacaabey – MAGACYADA IYO QABIILADA:

 
00 Macaga Qabiilka

01- Ruqiya Abshir Nuur Abgaal
02- Zaynab Ismail Abuukar Biyamaal
03- Hussen Ali Macalim Biyamaal
04- Awiikar Nuur Abdulle Biyamal
05- Maxaad Max’ed Ciise Biyamal
06- Hussen Ali Xaaji Biyamal
07- Ax’ed Max’ed Barre Biyamal
08- Abukar Hassan Hussen Biyamal
09- Ax’ed Max’ed Macalim Omar Biyamal
10- Abdi Fataax Ali Ax’ed Biyamal
11- Yusuf Abdi Nuur Suuri Biyamal
12- Binti Ibrahim Ali Biyamal
13- Maryan Kayf Hassan Osman Biyamal
14- Max’ed Abdulkadir Cadow Dabarre
15- Osman Macalim Abdi Ibrahim Dabarre
16- Yasin Macalin Abdulkadir Dabarre
17- Madoobe Nuunow Max’ed Dabarre
18- Faduma Aden Osman Dabarre
19- Faayoow Abdi Shooleey Eyle
20- Abdukadir Abdiraxman Ali Gaaljecel
21- Nuurto Max’ed Abdi Garre
22- Max’ed-Nur Max’ed Maalim Geledle
23- Abdullahi Aden Max’ed Hadame
24- Ibrahim Max’ed Ax’ed Hadame
25- Hassan Macalim Yusuf Hadame
26- Max’ud Abdi Ali JIROON
27- Hassan Ali Abdi-Nur JIROON
28- Hassan Aden Macalin Ax’ed Hadame
29- Siteey Max’ed Abuu Reer Baraawe
30- Haajiro Aden Macaawiye Geledi
31- Farxiyo Max’ed Ax’ed Heliwi
32- Aden Hussen Hassan JIROON
33- Amino Osman Issak Hussen Jejeele
34- Faduma Max’ed Ibrahim Afaaf(Jiido)
35- Hassan Abdi Max’ed Maalin-Wiine
36- Abdi Hassan Abdi (Kushuk) Maalin-Wiine
37- Amino Ibrahim Salaad Maalin-Wiine
38- Hassan Hussen Max’ed Murusade
39- Cartan Abdi Ibrahim Murusade
40- Mustaf Max’ed Abdi Qoomaal (100 Hore)
41- Issak Isgoow Max’ed (Emed 100 Hore)
42- Farax Sh. Osman Abdi Reer Aw-Xasan
43- Fowsiya Ali Hassan Xaydar Reer Dumaal
44- Macalin Max’ud Max’ed (Macalin Jiis) 5ta Caleemood
45- Max’ed Ax’ed Max’ed (Baafo) Sheekhaal Jaziira
46- Ibrahim Macalin Aden Osman Shekhal Aw-Qudub
47- Shaacir Omar Bayle Tuni
48- Suweeys Ali Hassan Wadalaan
49- ILyas Hassan Nur Abdi Waanjeel
50- Abdiraxman Ibrahim Aden Xariin
51- Abdulkadir Shaban Ax’ed Xariin
52- Max’ud Max’ed Kaire Xariin
53- Cudbi Abdiraxman Abdi Xariin
54- Ruqiya Hassan Coloow Xawaadle
55- Yusuf Ali Max’ed Gaaljecel
56- Saciido Shariif Jamaadudiin Max’ed Asharaaf

Hanti-dhowrka Guud “Shirkadaha Favori iyo Al-Bayrak waa diideen in lala xisaabtamo

Diseembar 29, 2015

WAAJIDPRESS – 29 DEC 2015:

Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka Dr. Nuur Faarax Jimcaale Faarax ayaa sheegay in dalka aanay xisaabtiisa xirmi karin, kadib markii uu ku dhaliilay in Hey’addaha lagu wareejiyay ilaha dhaqaale ee dalka ay diideen yihiin in lala xisaabtamo.

Dr. Nuur Faarax oo la hadlayay Baarlamaanka ayaa sheegay in Shirkadaha Favori oo Maamusha ku heysa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyo Shirkadda Al-Bayrak oo gacanta ku heysa Dekeda weyn ee Muqdisho ay diideen in lala xisaabtamo oo la ogaado dhaqaalaha soo gala iyo kuwa ka baxa.

“Horta wadankan xisaabtiisa xirmi meyso, hadii shirkadaha lagu wareejiyay ilihii dhaqaalaha ee dalka aan la xisaabin karin, Shirkadaha Favori iyo Al-Bayrak waa noo diideen inaan la xisaabtano, waxaa ka dhaa-dhacsan, in aan la xisaabin karin ama aan la hanti dhowri karin”ayuu yiri Dr. Nuur Faarax Jimcaale.

Waxaa uu ugu baaqay Baarlamaanka Soomaaliya iyo Madaxda dowladda in arrintan wax ka qabtaan, inta aan la gaarin bisha Janaayo, maadaama loo baahan yahay in sanadkan dhamaanaya ee 2015 in xisaabtiisa la soo xiro.

Shirkadda Al-Bayrak oo sanadkii 2014 lagu wareejiyay Dekeda Muqdisho ayaa bishii November ee 2014 soo bandhigtay bil gudaheed dhaqaalaha ka soo xarooday Dekeda oo gaarayay 1,582,000 (Hal Milyan Shan boqol sideetan iyo Laba kun oo dollar ah).

Inkastoo wixii markaas ka dambeeyay aanay Shirkaddu soo bandhigin dhaqaalaha bil walba soo gala Dekeda, waxaana loo arkayay tallaabadaas mid shacabka ay kula wadaageyso dhaqaalaha soo gala Dekeda oo aan hortii la ogeyn.

Sidoo kale Shirkadda Favori ee maamusha Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaan wali soo bandhigin dhaqaalaha ka soo xarooda garoonka, inkastoo Shirkaddu dib u dhis ku sameysay garoonka, isla markaana si casri ah u dhistay horaantii sanadkan.

Shirkadahan ayaa laga leeyahay dalka Turkiga, waxaana sanadkii la soo dhaafay dowladdu ku wareejisay Garoonka iyo Dekedda oo ah labada il ugu weyn ee dhaqaalaha ka soo xarooda.

Xafiiska Hanti dhowrka guud ee Qaranka ayaa baaritaan ku sameeya xafiisyada hey’adaha dowladda, waxaana marka la gaaro dhamaadka sanadka uu xisaab xir ku sameeyaa dhaqaalihii sanadkaas soo xarooday iyo kuwa baxay.