Archive for Agoosto, 2013

War deg deg ah: Digil iyo Mirfle oo Dagaal udiyaar garoobay, Lix Gobolna Maamul udhisay Xasan Sh-na ku sheegay Nin Jalmad weydiistay

Agoosto 31, 2013

WAAJIDPRESS – 31 Aug 2013:

Khudbado Xasaasi ah ayaa laga jeediyay banaanbaxii xooganaa ee maanta ka dhacay Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay kaas oo looga soo horjeeday dowlada Soomaaliya.

Dadkii kahadlay Waxaa kamid ahaa Malaaq Cali Shiino oo kamid ah waxgaradka Gobollada Bay iyo Bakool, ugu horeyn waxaa uu xaaraan cad ku tilmaamay heshiiskii Adis Ababa ee DF iyo Maamulka Axmed Madoobe.

Waxaa uu sheegay inay ku dhawaaqayaan saacadaha soo aadan maamul goboleed ay udhan yihiin gobollada Gedo, Bay, Bakool, Jubbada hoose iyo Jubbada dhexe.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in tiro ahaan dadka reer Digil iyo Mirifle Soomaalida ugu badan yihiin ayna udiyaar garoobeen difaacida dhulkooda ee lixdaas gobol sida ay hadalka udhigeen.
Waxaa kale oo ay si weyn udhaliileen dowlada Soomaaliya gaar ahaan Madaxweyne Xasan Sh oo ay ku sheegeen in mar qaxooti uu ku noqday Baydhabo.

“Jalmad uu wax ku karsado ma heysan qaxooti ayuu ahaa anagaa siiney, maantana wauxuu rabaa inuu na xukumo’ayay sheegeen dadkii kahadlay banaanbaxa maanta.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in beri Baydhabo uu ka dhici doono kulan ay kasoo qeyb galayaan beelaha Bay, Bakool Beesha Sadde iyo DIR kuwaas oo kawada hadli doona maamul udhisa Gobollada Jubbooyinka, Gedo, Shabeelaha Hoos, Bay iyo Bakool.

Malaaq Cali Shiino ayaa tilmaamay in Baydhabo ay sida ugu dhaqsiyaha badan sidoo kale ku imaan doonaan siyaasiyiinta dowlada ku jirta ee gobolladaas kasoo jeeda

War deg deg ah: XILDHIBAANADA IYO Wasiirada OO ka baxay DOWLADA berina u SOCDA Baydhaba Janaay

Agoosto 31, 2013

WAAJIDPRESS – 31 Aug 2013:

Warar goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in meel xun uu gaaray Khilaafka dowlada iyo dadka deegaanada Bay iyo Bakool.
Dowlada Soomaaliya ayaa lagu mucaaraday heshiiskii ay lagashay Maamulka Jubba ee Axmed Madoobe hogaamiyo, iyadoo dadka Bay iyo Bakool ay sheegeen in heshiiskaas uu yahay mid xaaraan ah.

Xildhibaano iyo xubno kale oo dowlada Katirsan ayaa lasoo sheegayaa inay Muqdisho ka wadaan abaabiul ay ku aadayaan magaalada Baydhabo.

Siyaasiyiintan ayaa amar ka helay Odayaasha iyo waxgaradka beelahooda iyadoo looga yeeray Baydhabo oo ah xarunta ugu weyn Bay iyo Bakool.

Lama oga in wafdihgaas uu ku jiri doono gudoomiyaha barlamaanka Soomaaliya Pro Jawaari oo kasoo jeeda deegaanadaas, waxaase la xaqiijiyay in xildhibaanada ay Baydhabo tagi doonaan.
Maanta ayaa Baydhabo waxaa ka dhacay Banaanbax xoogan kas oo lagu diidan yahay dowlada Soomaaliya iyo heshiiskii ay lagashay maamulka Axmed Madoobe.

GUUL – KHUDBADIHII QAAR EE BANAANBAXA : DHAGAYSO: Digil iyo Mirfe oo Dagaal udiyaar garoobay, Lix Gobolna Maamul udhisay Xasan Sh-na ku sheegay Nin Jalmad weydiistay

Agoosto 31, 2013

WAAJIDPRESS – 31 Aug 2013:

Banaanbaxa ayaa waxaa looga soo horjeeda Dowladda Soomaaliya iyo heshiiskii dowladda ay Addis Ababa kula gashay Maamulka Jubba ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe.

Shacabka Magaalada iyo Odayaasha Beelaha Digil Iyo Mirifle ayaa isugu soo baxay banaanbaxa ka socda Magaalada Baydhabo kuwaasi oo ka dhiidhinaya sida ay u arkaan heshiiska Dowladda ay la gashay Axmed Madoobe.

Suldaan Shariif Cali Xasan oo kamid ah salaadiinta Digil iyo Mirifle Oo Isaguna Goobta Ka Hadlay Ayaa Weerar Culus ku Qadaay Madaxwaynaha Dawlada iyo Axmed Madoobe, Isagoona Sheegay inay Kismaayo Leeyihiin.

HALKAN KA DHEGAYSO CODKA

Banaanbaxa ayuu sheegay in sidoo kale lagu muujinayo sida Dowladda Soomaaliya xiriirka ay ugu jareen beelaha Digil iyo Mirifle iyo heshiiska Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubba.

GUUL – DHAGEYSO, DAAWO: DEG DEG: Dhagayso Digil iyo Mirifle oo Gilgilay Baydhabo iyo Banaanbax Ka Dhan ah Xasan Shiikh & Axmed madobe

Agoosto 31, 2013

WAAJIDPRESS – 31 Aug 2013:

DIGIL IYO MIRIFLE WAXAY SI CAD KALSOONIDA UGA LAABTEEN KANA BAXEEN DOWLADA UU MADAXWEYNAHA KA YAHAY XASSAN GARGUURTE.

Mudaaharaadkaan oo 5 saacadood xiriir ah socda ayaa weli wuxuu ka soconayaa Baydhabo waxaana ka qeyb qaadanayaan dhamaan intii nafba ku jirto oo Baydhabo kunool marka laga reebo ciidamda Amisom.

WAXAA DHOOLATUS MILITARY KA SUUBIYEY BARXADA UU KA SOCDA BANAANBAX CIIDAMO AAD U BADAN UNA HUBAYSAN OO DIGIL IYO MIRIFLE AH.

 
Wariyaasha Baydhabo ee Warbaahinta Arlaadii ayaa waxay kusoo waramayaan inuu weli Mudaarahaadku uu kusocdo si xawli ah  kaasoo xiriirkii iyo kalsoonidii loogu jaray Dowlada Garguurte,, Madaxweyne Xasan Safarow waxaana Mudaaharaadka si wanaagsan ugu qeyb qaadanayaan Dhalinyerada Isbedel doonka oo shalay iyo ilaa hada wada Kicin aad u xoogan taaasoo ay dadkoodhan saameysey.
 
 

DHAGEYSO QEYB COD IYO WAREYSI OO KU SAABSAN HADDA BANAANBAX KA SOCDA BAYDHA OO DOWLADA LOOGU SOO HORJEEDO

Agoosto 31, 2013

WAAJIDPRESS – 31 Aug 2013:

WAXAAN IDIIN SOO GUDBIN DOONAA VIDEO BANAANBAXA BAL HADDA XOOGAA KA DHAGEYSO SIDA AY U SOCOTO BANAANBAX OO KALSOONIDA LAGALA NOQDEY DOWLAD KU SHEEGA MUQDISH:

Banaanbaxa ayaa waxaa looga soo horjeeda Dowladda Soomaaliya iyo heshiiskii dowladda ay Addis Ababa kula gashay Maamulka Jubba ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe.

HALKAAN KA DHAGEYSO

 

 

 

 

WAR CULUS: DHAGEYSO: MALAAQ JIROON OO SHEEGEY DOWLADA MUQDISHO WAXAA HAWIYE ANAGA SHAQO MA KU LIHIN

Agoosto 31, 2013

WAAJIDPRESS – 31 Aug 2013:

WAfdi Dowlada Ayaa laga saray Baydhabo Kuna Jeeda  Muqdisho ayaa waxaa horkacayey Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda ee Dowlada Muqdisho Abuukar Cabdi Ibraahim kuwaasoo ka koobnaa 8 ruux oo isugu jirey rag iyo dumar 5 Rag ah & 3 Gabdho ah kuwaasoo ujeedkoodu aheyd qiimeynta iyo la xisaabtanka Mamaulka Gobolka Lacagaha Canshuuraadka ah ee Gobolka kasoo xarooda.

Malaaq Macalin Cali Bare OO ah MALAAQA BEESHA JIROON Oo ka Mida Malaq yada Gobolka Baay Ayaa Sheegay Inay dowladani tahay Mid Iska Leeayhiin beelaha hawiye Iyo darood Waa Sida Uu hadalka U Dhigay Isagoo Dhiiri Galiyey dagaalka Dhan Ah dowlada  Oo beelaha Digil Iyo Mirifle Lagalaan Waxana Uu sheegay Inay la Jabhadaynayaan Dowlada Federalka Soomaaliya Ee Uu madaxweynaha ka yahay xasan Sh. maxamud.

 Halkani Riix Dhagayso Codka

Malaaqa beesha JIROON – Malaaq Macalin Cali Bare  ayaa dowlada wuxuu sheegey iney noqon weysey sidii ay balanta ku galeen oo aheyd iney taageerto maamul usameynta 6-da gobol ee Arlaadii, Alta, Jubba, Base Jubba, Sh. Hoose , Bakool Gedo & Baay.
 
Heshiska magaalada Adis sababa Oo soo jitey Inadhaha calamka Ayaa U Muuqda Mid Mucarad Cusub  Kala Kulmaya Beelaha Digil Iyo Mirifle Ee  Ku sugan magaalada baydhabo xarunta Gobolka baay.

DHAGAYSO WAR CULUS:Odayaasha Hawiye Ma Aqbalayno Heshiska Adis Sababa,Wana dagalamay..

Agoosto 31, 2013

WAAJIDPRESS – 31 Aug 2013:

Maalin ka hor ayay aheyd markii heshiis ay ku wada gaareen Dowlada Federalka Somaliya iyo Axmed Madoobe magaalada Adis Ababa iyadoo markaa ay soo baxayaan taageero iyo dhaliilo loo jeedinayo heshiiskaasi.

Gudoomiyaha odayaasha dhaqanka iyo midnimada Beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad oo la hadlay mid ka warbaahinta Muqdisho ayaa isagu sheegay in wax laga wanaagsan yahay ay tahay in Itoobiya lagu qabto shir Soomaalida lagu heshiisiinaayo oo xal wanaagsan keeni kara.

Maxamed Xasan Xaad ayaa sheegay inay sii hurin karto is afgaradka Dowlada Soomaaliya iyo Axmed Madoobe gaareen dagaalo mar kale ka dhaca Kismaayo oo dhinacyo iska soo horjeeda ku wada sugnaayeen, halkaana uu sheegay inay tahay caqabad hor leh oo shirkaasi keenay.

RIIX HALKAN: DHAGAYSO CODKA

 

DAAWO: GUUL GUUL GUUL KUMANAAN MUDAAHARAADKII MAANTA OO LALA SOO BAXAY CALANKII 6 GOBOL LAGANA SOO HORJEESTEY DOWLADA

Agoosto 31, 2013

WAAJIDPRESS – 31 Aug 2013:

FILO SAWIRO KALE IYO KHUDBADAHA, WELI WUU SOCDAA MUDAAHARAADKA BAYDHABA EE LOOGA SOO HORJEEDO DOWLADA:

Mudaaharaadkaan ayaa weli wuxuu ka soconayaa Baydhabo waxaana ka qeyb qaadanayaan dhamaan intii nafba ku jirto oo Baydhabo kunool marka laga reebo ciidamda Amisom.

KUMANAAN DIGIL IYO MIRIFLE AYAA KA QEYBGALAY BANAANBAX HADDA KA SOCDA BAYDHABA , WAXAYNA WATAAN CALANKA CUSUB MAAMULKA KOONFUR GALBEED OO KA KOOBAN 6 GOBOL OO KALA AH JUBADA HOOSE, JUBADA DHEXE, GEDO, SHABEELAHA HOOSE, BAY IYO BAKOOL.

MUDAAHARAADKA WAXAA HADDA JOOGA DHAMAAN MALAAQYADA 41 QABIIL EE DIGIL IYO MIRIFLE.

Wariyaasha Baydhabo ee Warbaahinta Arlaadii ayaa waxay kusoo waramayaan inuu weli Mudaarahaadku uu kusocdo si xawli ah  kaasoo xiriirkii iyo kalsoonidii loogu jaray Dowlada Garguurte,, Madaxweyne Xasan Safarow waxaana Mudaaharaadka si wanaagsan ugu qeyb qaadanayaan Dhalinyerada Isbedel doonka oo shalay iyo ilaa hada wada Kicin aad u xoogan taaasoo ay dadkoodhan saameysey.
 

War deg deg ah. Banaan bax looga soo hor-jeedo dowlada Xassan Sheekh oo bilaawday.

Agoosto 31, 2013

WAAJIDPRESS – 31 Aug 2013:

Wararka laga helaayo magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay ayaa waxa sheegayaan in halkaasi ay ka bilaawdeen dibad baxyo looga soo hor-jeedo dowlada Soomaaliya.

Dibad baxaan ayaa waxaa la sheegay in ay wadaan ururada bulshada ee ka jira deegaanada Baay iyo Bakool kuwaas oo fulinaya go’aanno kasoo baxay odayaasha dhaqanka ee Digil iyo Mirifle oo dhawaan soo saaray go’aan ah in saraakiisha dowladu aysan tegi Karin deegaanada ay dalka ka degaan.

Gun-dhigga dibad-baxa ayaa waxaa la sheegay in uu yahay mid salka ku haya diidmada heshiiskii Addis Abbaba ee dhawaan ay gaareen dowlada Soomaaliya iyo maamulka Axmed Madoobe ee hada loogu magac daray Juba kaas oo deegaanada ay ku noolyihiin Digil iyo Mirifle looga arko mid iyaga lagu dulminayo oo xaquuqdooda lagu duudsiinayo.

Si kastaba dibab-baxaan ayaa waxaa lafilayaa in ay ka hadlaan masuuliyiin caan ah kuwaas oo hadafka mudaaharaadkaan cod dheer ku sheegi doona, waxa uuna dibad baxaani noqonayaa ki ugu horeeyay ee ka dhan ah heshiiskii Addis

BAYDHABO OO SAAKA GURYAHA & MAGAALADA AAN QOFNA KUSOO HAREYNIN.

Agoosto 31, 2013

WAAJIDPRESS – 31 Aug 2013:

kumaan reer Baydhabo ah oo isugu jira Qeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa waxay goor sii horeysey ee saakaba ay isku soo xaadiriyeen Laamiyada Magaalada Dhex Mara Hareerihiisa.

Saqiir iyo kabiir rag iyo dumar ayaa saaka waxaa la arkayaa salaadii subax wixii ka dambeeyey ayagoo isu soo diyaarainaya Afafaaha hore ee laamiyada si ay hadhow ugu sahlanaato ka qeyb qaadashada Banaanbaxa looga soo horjeedo Heshiis kusheegii Addis Abaab kaasoo dhulkii DM loogu gacan geliyey soomaali Ethiopian iyo kuwo Soomaali Kenyaan ah.