Archive for Febraayo, 2024

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo xariga ka jaray..

Febraayo 29, 2024

WAAJIDPRESS – 29 February 2024:

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa Maanta Xarigga ka Jaray Masaajidka Al Xaaji Shiikh Maxamuud  oo laga hirgaliyey Xarunta Taliska Guud ee Villa Baydhabo.

Taliyaha Ururka 38-aad ee Taliska Guud G/Sare Salaad Xasan Jaamac iyo saraakiil kale ayaa goobjoog ka ahaa xarig jarka Masaajidkan cusub.

Waxaa Taliyaha uu ku ammaanay saraakiisha juhdiga ay galiyeen in xerada ay ka dhisaan Masjid lagu cibaadaysto.

“Ma jirto meel ka wanaagsan oo dhaqaale lagu bixin lahaa dhismaha guriga ilaahay, waadna ku mahadsantihiin dhismaha masaajidkaan quruxda badan ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin.

DAAWO: KHUDBADII UU MAANTA KA JEEDIYEY MADAXWEYNE XASSAN SHEEKH SHIRKA QARAMADA MIDOOBEY EE KA SOCDA DALKA KENYA

Febraayo 29, 2024

WAAJIDPRESS – 29 February 2024:

DAAWO: DAB KA KACAY ISBITAALKA LAASALEETI EE MAGAALADA MUQDISHO

Febraayo 29, 2024

WAAJIDPRESS – 29 February 2024:

DAAWO: MADAXWEYNE KU XIGEENKA MAAMULKA HIRSHABEELE OO MAANTA MAGAALADA JOWHAR KA SHEEGEY…..

Febraayo 29, 2024

WAAJIDPRESS – 29 February 2024:

DAAWO: GAADIIDLEYDA MUQDISHO OO KA CABANAYA SARE U KACA SHIDAALKA

Febraayo 29, 2024

WAAJIDPRESS – 29 February 2024:

MADAXWEYNE XASSAN SHEEKH OO GAAREY DALKA SI UU UGA QEYBGALO SHIRKA MADAXDA (SAWIRO)

Febraayo 29, 2024

WAAJIDPRESS – 28 February 2024:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa ee uu ka mid yahay WASIIRKA GAASHAANDHIGA SOOMAALIYA CABDULQAADIR JAAMAC ayaa maanta Kulan kula qaatay Qasriga Madaxtooyada Kenya dhiggiisa dalkaas Mudane William Ruto.

Kulanka labada Madaxweyne ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal, adkeynta xiriirka diblomaasiyadda, shirka  Qaramada Midoobay ee Isbeddelka Cimilada iyo hiigsiyada horumarineed ee heer qaaradeed.

Xasan Sheekh ayaa gaaray maanta gaaray magaalada Nairobi halkaasoo uu kala qeyb-galayo Madaxda Caalamka Meertada 6-aad ee Qaramada Midoobey ee Isbeddelka Cimilada oo lagaga arrinsanayo dhibaatada xooggan ee caalamka ka soo food saartay dhanka cimilada, taasoo si gaar ah saameyn xooggan ugu yeelatay nolasha shucuubta dalalka soo koraya.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeedinaya  shirkan caalamiga ah ayaa soo bandhigaya saameynta xooggan ee ka soo gaartay dadka iyo deegaanka Soomaaliyeed isbeddelka xooggan ee cimilada, isagoo muujin doona dadaalka ay dowladdu ku wajahayso abaaraha iyo fatahaadaha soo noqnoqday.

MADAXWEYNE XASSAN SHEEKH inta uu ku sugan yahay magaalada Nairobi ayaa kulamo la qaadan doonaa qaar ka mid ah madaxda iyo masuuliyiinta ka soo qeyb-galaya shirkan, si uu xoojiyo doorka dalkeennu uu ku leeyahay qorshaha caalamiga ah ee ka hortagga isbeddelka cimilada iyo hiigsiyada horumarineed ee heer qaaradeed – DAAWO SAWIRO:

DAAWO: GUDOOMIYE KU XIGEENKA 1’AAD EE BAARLAMAANKA FEDERAALKA MARWO SACDIYA AYAA SHEEGTEY IN DEEGAANKII PUNTLAND EE AH MAGAALADII AY KU DHALATEY IN MAAMULKA PUNTLAND U DIIDEY IN AY TAGTO

Febraayo 28, 2024

WAAJIDPRESS – 28 February 2024:

DAAWO: ASKARI MAANTA MUQDISHO KU DILEY DARAWAL MOOTO BAJAAJ OO LAGA RABEY LACAG BAAD AH

Febraayo 28, 2024

WAAJIDPRESS – 28 February 2024:

DAAWO: ODAYAASHA BEESHA SALEEBAAN OO MAANTA SHIR KU QABTEY MAGAALADA CADAADO AYAA SHEEGEY IN MAXKAMADA LA SAARAYO WIIL LA SHEEGEY IN UU GABADHA GUBEY AY MAXAKAMADAASI KA JIRTO EEX ISLA MARKAANA AY KU DHALIILAYAAN CADAALAD DARO

Febraayo 27, 2024

WAAJIDPRESS – 27 February 2024:

DAAWO SADEX VIDEO: BEESHA ISAAQ FARIIN ADAG U DIRTEY MADAXWEYNA SOOMAALIYA XASSAN SHEEKH IYO MADAXWEYNAHA SOMALILAND OO HADALO HANJABAAD AH MAANTA SHEEGEY IYO……

Febraayo 27, 2024

WAAJIDPRESS – 27 February 2024:

DAAWO SADEX VIDEO:

VIDEO – 1: MADAXWEYNAHA SOMALILAND OO HADALO ADAG U SOO SOOMAALIYA:

VIDEO – 2: ODEY KA MID AH BEELAHA ISAAQ OO FARIIN U DIREY MADAXWEYNE XASSAN SHEEKH

VIDEO – 3: EHELADII EX-XILDHIBAAN SOOMAALIYA OO MAANTA MUQDISHO LAGA DHOOFIYEY DHOOFIYEY LAGU AASAY SOMALILAND: