Archive for Oktoobar, 2022

War Murtiyeed Xasaasi ah oo laga soo saaray Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran

Oktoobar 31, 2022

WAAJIDPRESS – 31 October 2022:

Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya lagu soo gabagbeeyey shirkii dowladda Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedyada uga socday Villa Somalai..

Shirka oo qaatay waqti ka badan intii loo qorsheynayey ayaa waxaa looga hadlay qodobo badan, waxaana ugu dambeyn maanta laga soo saaray war-murtiyeed ay saxiixeen dhammaan madaxdii shirka ka qeyb gashay – Akhriso 6 Page oo ah war murtiyeedka:



ee

dd

ff

rr

tt

hh

bb

gg

gg

War deg deg ah: SOMALILAND oo magaallo muhiim ah ka qabsatay PUNTLAND

Oktoobar 31, 2022

WAAJIDPRESS – 31 October 2022:

Wararka naga soo gaaraya gobolka Sool ee waqooyiga Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamada Somaliland ay maanta la wareegeen gacan ku heynta degmada Boocame ee gobolkaasi, kadib markii ay ka baxeen ciidamada Puntland.

Ciidamada milatariga Somaliland oo wata gaadiidka dagaalka oo fara badan aya agudaha u galay degmadaasi, kuwaas oo saldhig ka sameystay halkaasi.

Boocame oo ah magaallo weyn oo Puntland ay maamuleysay ayaa ka mid aheyd meelaha tirada yar ee gobolka Sool ee Puntland u qorshaysay in ay ka qabato doorashooyinka qof iyo cod ee haatan qaban qaabadeeda ay ka socoto deegaanada maamulkaasi.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in haatan xiisaddu ay kacsan tahay, islamarkaana ciidamada Puntland ay iyaguna ku sugan sugan yihiin duleedka degmadaasi.

Ciidamo aad u hubeesan oo katirsan milatariga maamulka Somaliland ayaa saakay la wareegay degmada Boocame ee gobolka Sool, halkaas ay horey ugu sugnaayeen ciidamo katirsan maamulka Puntland.

Wariyaal ku sugna degmadaasi ayaa soo sheegaya in mar qura soo galeen ciidamo katirsan milatariga Somaliland oo aad u hubeesan, waxa ayna ciidamadan la wareegeen xarumihii maamulka degmada iyo goobihii kale ay joogeen ciidamada Puntland.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay labada maamul oo ku aadan xaaladda degmada Boocame ee gobolka Sool.

Dadka deegaanka ayaa dhankooda walaac ka muujinaya xaaladda soo korortay iyo ciidamo isku beddalay gacan ku heynta degmadaasi oo ah mid muhiim ah.


DAAWO: CUTUBYO KA TIRSAN CIIDAMADA XOOGA DALKA OO GAAREY HOSPITAL DIGFEER SI AY UGU TABARUCAAN DHIIGOODA SHACABKII KU WAXYEELOOBEY QARAXII SHALAY EE MUQDISHO KA DHACAY

Oktoobar 30, 2022

WAAJIDPRESS – 30 October 2022:

AKHRISO: FURITAANKA BAARLAMAANKA OO DIB LOO DHIGEY LAGUNA DHAWAAQEY IN LA FURAYO BISHA DAMBE

Oktoobar 30, 2022

WAAJIDPRESS – 30 October 2022:

DAAWO: MADAXWEYNE XASSAN SHEEKH OO CAAWA TAGEY MEESHII QARAXA KA DHACAY EE MUQDISHO

Oktoobar 30, 2022

WAAJIDPRESS – 29 October 2022:

DAAWO: DHAMAAN MADAXDA SOOMAALIYA OO KA QEYBGALEY SHIRKA XIRITAANKA EE MAALMAHAN U SOCDEY WASAARADA DIINTA IYO AWQAAFTA DOWLADA FEDERAALKA IYO KUWA MAAMUL GOBOLEEDYADA

Oktoobar 29, 2022

WAAJIDPRESS – 29 October 2022:

DAAWO: WAR MURTIYEED KA SOO BAXAY SHIRKA WADATASHIGA WASAARADA DIINTA IYO AWQAAFTA IYO KUWA DOWLAD GOBOLEEDYADA

Oktoobar 29, 2022

WAAJIDPRESS – 29 October 2022:

DAAWO WAR DEG DEG AH: WASAARADA WAXBARASHADA IYO HIDAHA IYO TACLIINTA SARE EE MUQDISHO OO LABO QARAX BAABUUR LAGU QARXIYEY

Oktoobar 29, 2022

WAAJIDPRESS – 29 October 2022:

Wararka ka imaanaya MAGAALADA MUQDISHO Ayaa sheegaya in duhurnimadii maanta uu magaalada ka dhacay qarax aad u weyn, kaasoo aanay dadku waayadaan maqal noociisa.

Qaraxa ayaa ka dhacay agagaarka Isgoyska Zoobe, waana qarax laga maqlay gees ka gees xaafadaha magaalada, iyada oo dhismooyinka ka daateen muraayadaha.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa ka dib ay dabley hubeysan gudaha u gashay Xarunta Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha & Tacliinta Sare, oo halkaasi ku taala.

Daqiiqado ka dib ayaa waxaa halkaasi laga maqlay qarax 2aad, sida ay Warbaahinta u sheegeen dadka halkaasi ka ag dhow.

Aadan Cali (Doodisho) ayaa faah faahin ka bixiyay qaraxyadii mataanaha ahaa ee maanta lagu weeraray Xarunta Wasaaradda Waxbarashada ee Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka ayaa maleeshiyada Al Shabaab ku eedeeyay inay qaraxyadaasi la beegsadeen dad rayid ah, oo isugu jira sida uu sheegay carruur, haween iyo dad da’ ah.

“Abaare 2:10pm Khawaarijta naf la caariga ah ee argagixisada waxay maanta qaraxyo la beegsadeen dad shacab ahaa. Dadkaas oo isugu jira carruur, haween iyo dad waayeel ah. Argagixisada arxanka daran waxay laayeen hooyooyin, kuwaas oo naftu ka baxday iyagoo carruurtooda dusha ku haysta.” Ayuu yiri Afhayeenka oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka ayaa yiri “Waxaa jira hooyooyin kale oo ay isku kor dileen iyaga iyo carruurtooda, taas oo muujinaysa dhaqanka xun ee Khawaarijta naf la caariga ah ay leeyihiin.”

Waxa uu intaasi ku daray “Qaraxyada oo ahaa laba qarax waxay la beegsadeen Isgoyska Zoobe iyo agagaarka Wasaaradda Waxbarashada, halkaas oo ah meeshii 5 sano ka hor saas oo kale dad maati ah oo aan waxba galabsan ay argagixisadu ku laysay.”

Wararka hordhaca ah ee la helayo ayaa sheegaya in ilaa 10 qof ay ku geeriyoodeen weerarka, halka dhaawaca uu intaasi ka sii badan yahay.

Dadka weerarka ku dhintay Ayaa gaaraya 10 qof, waxaa kamid ah taliyihii booliska degmada Hodan Xuseen Cadceed, Wariye caan ah oo lagu magacaabo Maxamed Ciise Koonaa iyo dad kale oo shacab iyo askar isugu jira.

Dadka dhaawaca ah waxaa kamid ah taliyaha booliska Waaberi Ismaaciil, taliyaha ciidamadda Check Point-yada guur guura Cabdi Cali iyo wariyayaasha kala ah C/qaadir Ok oo Voa ka tirsan iyo Feysal Cumar oo ah sawir qaade ka tirsan Reuters – DAAWO:

DAAWO: HAY’ADA GARGAARKA IYO MASIIBOOYINKA EE DOWLADA FEDERAALKA OO DEEQ GAARSIISEY DEGMADA CEELWAAQ

Oktoobar 29, 2022

WAAJIDPRESS – 28 October 2022:

DAAWO: WASIIRKA AMNIGA OO CASHO SHARAF U SAMEEYEY WASIIRKA DIINTA IYO AWQAAFTA SHEEKH MUKHTAAR ROOBOW IYO WASIIRADA MAAMUL GOBOLEEDYADA EE DIINTA IYO AWQAAFTA

Oktoobar 28, 2022

WAAJIDPRESS – 28 October 2022: