Archive for Diseembar, 2021

DAAWO OO KA FAA’IDEYSO: MA BANAANA IN LA XUSO SANADKA CUSUB EE MIILAADIYADA WAANA XAARAAN

Diseembar 31, 2021

WAAJIDPRESS – 31 Dec 2021:

War deg deg ah DHAGEYSO: SHEEKH MUKHTAR ROOBOW OO GURIGII UU DEGANAA LAGALA BAXAY IYO …..

Diseembar 31, 2021

WAAJIDPRESS – 31 Dec 2021:

Sheekh Mukhtaar Roobw Cali Abu Mansuur ayaa lagala baxay hoygii uu Muqdisho ka deganaa, ee uu xabsi guriga ugu jiray.

Dr. Maxamed Nuur Bilaal, oo ah xoghayaha Xisbiga Amniga iyo Cadaalada ee uu guddoomiyaha ka yahay Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur, ayaa Idaacadda Goobjoog ee Muqdisho u sheegay in loo soo sheegay in Roobow lala baxay habeenkii 29-ka December, islamarkaana la geeyey xarunta Habar Khadiijo ee NISA.

Dr. Maxamed ayaa sheegay inay hadda jirto khatar ay wajaheyso nolosha Abu Mansuur, isaga oo intaas ku daray in sababta Mukhtaar Roobow loogala baxay guriga ay tahay in lagala cararo cadaaladda, kadib markii uu wasiirka amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur dalbaday warbixin ku saabsan xaaladda Roobow – DHAGEYSO:

DAAWO: WASIIRKA WARFAAFINTA OO SHEEGEY IN SHIRKII MAANTA EE GOLAHA WASIIRADA AY CAMBAAREEYEEN ISKUDEY AFGAMBI

Diseembar 31, 2021

WAAJIDPRESS – 30 Dec 2021:

DAAWO: Rooble oo xilalka u kala wareejiyay Wasiirada Gaashaandhigga & Cadaaladda

Diseembar 31, 2021

WAAJIDPRESS – 30 Dec 2021:

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xilalka u kala wareejiyay Wasiirada Gaashaandhigga iyo Cadaaladda.

Xasan Xuseen Xaaji oo horey u ahaa Wasiirka Gaashaandhigga ayaa noqday Wasiirka Cadaaladda, halka Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo ku magawnaa Wasiirka Cadaaladda uu noqday Wasiirka Gaashaandhigga.

“Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xilalka u kala wareejiyay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Cabdulqadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo Wasiirka cusub ee Caddaalada, Mudane Xasan Xuseen Xaaji.” Ayaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa Axaddii isku bedelay labadan Wasiir, si loo dardargeliyo howlaha la xiriira arrimaha doorashooyinka ee dalka – DAAWO:

War deg deg ah: EHELADA SHEEKH MUKHTAR ROOBOW OO BEENIYEY HADALKII TALIYAHA NISA UU SHALAY SOO SAAREY EE KU SAABSANAA XAALADA ROOBOW

Diseembar 29, 2021

WAAJIDPRESS – 29 Dec 2021:

Ehelada Muqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) ayaa beeniyey jawaabtii ay ka bixiyeen hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Soomaaliyeed xaalada nololeed ee Muqtaar Roobow.
Ibraahim Roobow Cali oo ay walaalo yihiin Muqtaar Roobow oo wareysi siiyay laanta afka soomaaliga ee BBC, ayaa sheegay in warqadda kasoo baxday Hay’adda NISA ay ku jirtay been abuur weyn.

“Bishii Janaayo sanadkii 2019 ayaa aniga iyo xildhibaano naloo ogolaaday inaan soo aragno, markaasna wuxuu ku xirnaa xarunta hay’adda Nabad-Sugidda Qaranka ee Habar Khadiijo, wixii waqtigaas ka dambeeyey maalin kasta oo booqo is dhaho waa la iga hor istaagayey,” ayuu yiri Ibraahim.

“Waxaan ogaanay inuu Muqtaar nool yahay bishii Oktobar ee sanadkan kadib markii ay wareysatay laanta afka soomaaliga ah ee VOA”ayuu sii raaciyay.

Taliyaha NISA Yaasiin Farey ayaa qoraalka uu soo saaray waxa uu ku sheegay in Roobow xaaladiisa nololeed ay wanaagsan tahay,uu nabad qabo, caafimaadkiisuna wanaagsan yahay, xaasaskiisa iyo ciddii kale ee uu dalbadana ay booqdaann sidoo kalena uu waxbarasho jaamacadeed ku jiro.

Warqadda NISA waxay jawaab u ahayd amar uu wasiirka amniga ee Soomaaliya Cabdulahi Maxamed Nuur uu ku faray in ay xaaladda Mukhtaar Roobow muddo sideed iyo afartan saacadood gudahood ah ay warbixin faahfaahsan kaga soo siiso hay’adda.

Muqtaar Roobow oo mar noqday guddoomiye ku xigeenka ururka Alshabaab ayaa muddo ka badan saddex sano waxa uu u xiran yahay nabadsugida qaranka mana jirto maxkamad la horgeeyay oo lagu soo oogay dambi uu galay. Okey

DAAWO: TALIYAHA CIIDANKA SOOMAALIYA GENERAL ODOWAA AYAA SHEEGEY IN CIIDAMADA AY HEEGAN GALAAN

Diseembar 29, 2021

WAAJIDPRESS – 29 Dec 2021:

Taliye Yaasiin Farey oo ka war bixiyey xaaladda Roobow 

Diseembar 29, 2021

WAAJIDPRESS – 28 Dec 2021:

Ku simaha taliyaha Hey’adda NISA Yaasin Cabdullaahi Farey  aya si deg deg ah uga soo jawaabay warbixintii uu ka codsaday wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ee ku saabsaneyd xaaladda Mukhtaar Roobow.

ku simaha Taliyaha Hey’adda NISA ayaa sheegay in xaaladda Caafimaad ee Mukhtaar Roobow ay tahay mid fiican isla markaasna wuxuu tilmaamay inuu dagan yahay guri ay si weyn u ilaaliyaan Ciidamada Dowladda.

Yaasiin ayaa sheegay in Hey’adda NISA ay bil kasta uga baxdo nolosha Mukhtaar Roobow lacag gaareyso illaa 7 Kun oo Dollar.

“Mukhtaar Roobow noloshiisa waxaa bil walba NISA uga baxda 7,000 oo dollar si loo maareeyo noloshiisa iyo midka qoyskiisa, maadaama uu xubin ka noqday Al-Shabaab, isla markaana uusan buuxin shuruudaha soo dhiibaha loo dejiyay inuu waajib ka saaran yahay amnigiisa” ayaa lagu yiri Warka qoraalka.

Wuxuu kaloo sheegay in qoyskiisa ay si joogto ah usoo booqdaan isla markaasna uu leeyahay dhakhtar si joogto ah ula socdo xaaladiisa Caafimaad.

Ugu dambeyntii Taliyaha ayaa sheegay in sababta uu Roobow u xiran yahay inay tahay maadaama uu kamid ahaa xubnaha Al-Shabaab isla markaasna uusan buuxin shuruudaha looga baahnaa dadka kasoo baxaya kooxdaas ee isku soo dhiibayo Dowladda – Akhris Warbixnta Yasin Farey:

DAAWO OO KA FAA’IDEYSO: SHEEKH CABDULXAYYI OO KA HADLEY XUKUNKA KUWA GAALADA UGU HAMBALYEEYO CIIDOODA KIRISMASKA AH

Diseembar 28, 2021

WAAJIDPRESS – 28 Dec 2021:

Akhriso: WASIIRKA AMNIGA OO AMREY TALIYAHA NABADSUGIDA IN UU SI DEG DEG AH KU SOO GUDBIYO WARBIXIN KU SAABSAN SABABTA UU WELI U XIRAN YAHAY SHEEKH MUKHTAAR ROOBOW

Diseembar 28, 2021

WAAJIDPRESS – 27 Dec 2021:

Wasiirka amniga xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa soo saaray dalab culus oo la xiriira xariga Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo weli xabsi ugu jiro dowladda Soomaaliya.

Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa faray ku simaha agaasimaha hay’adda NISA, Yaasiin Cabdullahi Maxamuud (Farey) inuu soo gudbiyo warbixin dhameystiran oo la xiriirta xaalada Roobow.

Wasiirka ayaa u qabtay 48 saac hay’adda nabad sugidda inay uga soo jawaabto dalabkiisa, isaga oo intaasi ku daray inay cabasho kasoo gaartay ehellada Abuu Mansuur.

Sidoo kale wuxuu sheegay inay dalbanayaan cadaalad, maadaama uu muddo dheer xiran yahay Sheekha oo laga soo qabtay magaalada Baydhabo, xilli uu ahaa musharrax – Akhriso:

DAAWO: WASIIRKA CUSUB EE GAASHAANDHIGA IYO WASIIRKA AMNIGA AYAA SI WADAJIR UGA HADLEY DHACDADII SIYAASADEED EE XALAY MUQDISHO KA DHACDEY

Diseembar 27, 2021

WAAJIDPRESS – 27 Dec 2021:

Video – 1: WASIIRKA CUSUB EE GAASHAANDHIGA CABDULQAADIR MAXAMED NUUR:

Video – 2: WASIIRKA AMNIGA: