Archive for Febraayo, 2010

Midowga Afrika oo ugu baaqay beesha Caalamka in kaalmo Milatari oo deg deg ah ay siiyaan dowladda KMG Soomaaliya.

Febraayo 27, 2010

Ururka Midowga Afrika ayaa waxa ay ugu baaqeen beesha Caalamka in kaalmo Milatari oo deg deg ah ay siiyaan dowladda KMG Soomaaliya.

Kadib kulankii 217-aad oo ay yeesheen Golaha amaanka iyo nabada ee Midowga Afrika oo dhacay 25-kii bishan February ayaa waxa ay ku celceliyeen baaqa ay u jeedinayaan Beesha caalamka ee ku aadan in laga taageero dhinacyada Milatariga iyo dib u dhiska hay’adaha dowliga ah si dowlada KMG Soomaaliya ay awood ugu yeelato in ay xakameyso weerarada joogtada ah ee uga imaanaya dhinacyada ka soo horjeeda dowladda KMG Soomaaliya.

War qoraal ah oo la soo gaarsiiyay Saxaafada ayaa Golaha Amaanka iyo Nabad galyda ee Midowga afica ayaa lagu sheegay in ay ka soo raynayso xaalada dalka Soomaaliya markii loo eego sidii ay horey u aheyd.

Golahaasi ayaa waxa uu walaac xoogan ka muujiyay xaaladaha dhinaca bani’adanimo ee ka jirta wadanka Soomaaliya iyagoona ugu baaqay xoogaga hubeysan ee ka soo horjeeda Dowladda KMG Soomaaliya in ay u hogaansamaan sharciyada Caalamiga ah ee dhinaca bani’aadannimada si kaalmo bani’aadannimo loo gaarsiiyo dadka ay wax yeeleeyeen dagaalada iyo abaaraha ka taagan guda dalka Soomaaliya.

Sidoo kale Golaha amaanka iyo Nabadgalyada Midowga Afrika ayaa waxa ay sheegeen in ay si diiran u soo dhaweynayaan heshiis hor u dhac ah oo ku aadan dhinaca iskaashiga kaasi oo dhexmaray Dowladda KMG Soomaaliya iyo Maamulka Culumaa’udiinka Ahlu sunna Waljamaaca, waxaana ay ku tilmaameen in arinkaasi uu yaha talaabo dhinaca hormarka loo qaaday.

Ugu dambeyntii waxa ay ku celceliyeen baaqooda ku aadan in dhinacyada Soomaaliya ay ku soo biraan hanaanka dib u heshiisiinta iyadoona wax sharuudo ah lagu xerin.

Amiirka Xarakada Mujaahidiinta Al ShabaabSheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur islamarkaana ayaa isaga oo yimid Kismaayo oo baaq u diray maamulka Jubooyinka.

Febraayo 27, 2010

Saraakiil sar sare oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab islamarkaana ku sugan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubadda hoose ayaa waxa ay baaq u direen maamulka gobolada Jubooyinka kaasi oo ah in ay wanaajiyaan hab dhaqanka kala dhaxeeya Shacabka goboladaasi.

Iyadoo mudooyinkii ugu danbeeyay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubadda hoose ay ku sugnaayeen wafdi sare oo ka socda Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab oo uu hogaaminayo Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa waxaa uu baaq u diray maamulka Islaamiga ee degmada Kismaayo iyo guud ahaanba maamulka gobolada Jubooyinka isagoo ugu baaqay maamulkaasi in ay dadka u dhimriyaan islamarkaasina hanaan wanaagsana ay wax ku wadaan.

Dhanka kale madaxa Siyaasada iyo xiriirka gobolada ee Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab Sheekh Xuseen Cali Fiidoow ayaa isaguna hadlay islamarkaana sheegay in dadka ku dhaqan Gobolka Jubadda hoose gaar ahaan magaalada Kismaayo ay yihiin dad iyagu kaalin lixaad leh ka qaata hanaanka Islaamiga ah ee ka jira Koonfurta dalka Soomaaliya gaar ahaan Gobolada Jubooyinka.

Si kastaba ha’ahaatee Mas’uuliyiintani sar sare ee ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ee ku sugan magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubadda Hoose ayaa dadka waxa ay kala hadleen fagaarayaasha waaweyn ee magaaladaasi.

Madaxweyne Shariif oo ka hadlay Kibirka iyo qabka oo dhibaato ku haya Soomaalida.

Febraayo 26, 2010

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ku baaqay in lala dagaalamo Kibirka iyo Islaweynida oo qeyb ka ah Dhibaatooyinka haysta Ummadda Soomaaliyeed.

Mudane Sh.Shariif Sh.Axmed Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo Maanta Salaaddii Jimcaha ku dujiyay Masjid ku yaalla Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya Boqolaal dad ah oo ay ka mid ahyeen Qaar ka tirsan Golaha Wasiirada,Xildhibaannada iyo Saraakiil ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa waxa uu Qudbad uu Salaaddii Jimcada kadib jeediyay kaga hadlay arrimo ay kamid yihiin Kibirka iyo Islaweynida.

Waxa uu Madaxweyne Sh.Shariif Sh.Axmed sheegay in Sifaadka Kibirka iyo Islaweynida ay tahay midda lagu garan karo Xaaladaha Ibliiska islamarkaasna taasi ay keentay jahliga haysta qaar kamid ah Ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sh.Axmed oo hadalkiisa sii wata ayaa tibaaxay in dadka Soomaalida ay yihiin dad isticmaala Sifaadka Kibirka iyo Islaweynida oo inta badan ku faanaan Qabiilka,waxa uunaMadaxweynuhu xusay in Arrimahaasi ay keenayaan Adduun Xumo iyo Aakhiro beel taasoo loo baahanyahay inay Shacbigu ka foojignaadaan.

Sh.Shariif Sh.Axmed Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa ugu baaqay Ummadda Soomaaliyeed inay la dagaalamaan Kibirka iyo Islaweynida maadaama ay Qeyb ka qaadaneyso Mashaakilaadka xilligaani ka taagan gudaha Waddankani Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Madaxweyne Sheekh Shariif Sh.Axmed ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed inay qof kasto oo ka mid ah isku haysto inuu yahay kan ugu tabarta daran islamarkaasna uu badiyo Taqwada Alle,waxa uuna Madaxweynuhu tilmaamay inaysan awxba soo kordhinayn Qabilka.

War Deg Deg ah: Gacanta Xisbul Aweys oo lagala baxay Saraakiil Eretrian ah Iyo

Febraayo 26, 2010

Sedexdii Sarkaal ee Dowladda Eretria uga hoowlgaleysay gudaha Somalia ayaa laba ka mida laga afduubtay inta u dhaxeysa Shabeeladda hoose iyo Mogadishu sida ay Waajidpress u xaqiijiyeen ila wareedyo muhiima.
Labada Sarkaal ee ka tirsan Nabadsugida Iyo Melleteriga Eretria ee laga afduubtay Xisbiga Xasan Dahir Aweys ayaa lagu kala magacaabaa Col: Siciid Cali iyo
Capt: Tekele Welu.
Saraakiisha Eretria waxaa la sheegay inay gacan geliyeen Maleeshiyadii ilaalada u ahayd,lamana ogga halka lala tegay iyo kooxda ka dambeysay afduubkooda,
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya halka afduubka uu ka dhacay hasse yeeshee in labada Sarkaal la afduubay waxaa xaqiijisay Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Eretria.
Eretria waxaa dhawaan la saaray cunaqabateyn kadib markii lagu eedeeyay inay hub siiso kooxaha ku xiran Shabaakada Al Qaida ee gudaha Somalia ka wada dagaalada lagu hoobtay.
Xasan Dahir Aweys oo ay labada Sarkaal ugu marti ahaayeen gudaha Somalia wali wax wara kama soo bixin.

Dhinaca kale, Qarax sababay Dhimasho iyo dhaawac ayaa galabta waxaa lala eegtay gaari ay wateen Ciidamo katirsan dowladda KMG Soomaaliya kaasi oo marayay nawaaxiga Isgoyska Maanaboolyo ee magaalada Muqdisho.
Qaraxani oo ahaa Miinada dhulka lagu aaso lagana hago Rumaad Kontaroolka ayaa waxaa lala eegtay gaari ay wateen Ciidamo katirsan dowladda KMG Soomaaliya sida ay Shabelle u xaqiijiyeen qaar kamid ah dadka ku dhaqan nawaaxiga goobta uu qaraxu ka dhacay.

Inta la ogyahay waxaa qaraxaasi Miino ku geeryooday ilaa 4-askari oo katirsan Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ee la socday gaariga qaraxa lala beegsaday halka ay ku dhaawacmeen 5-kale oo iyana saarnaa gaariga la qarxiyay.

Markii uu qaraxu dhacay kadib ayaa waxaa la sheegay in Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ay rasaas faro badan cirka u rideen taasi oo aan la ogeyn hadii ay Khasaaro geystay iyo inkale.

War Deg Deg ah: Israsaaseyn ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 10 qof oo rayid ah oo maanta ciidamo ka wada tirsan dowladda KMG ku dhexmartay Magaalada Muqdisho

Febraayo 24, 2010

Israsaaseyn ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 10 qof oo rayid ah oo maanta ciidamo ka wada tirsan dowladda KMG ku dhexmartay Xarunta Villa Baydhabo ee Magaalada Muqdisho.

Israsasaeyntaani oo u dhaxeysay ciidamada ka wada tirsan dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa duhurnimadii maanta waxaa ay ka dhacday agagaarka xarunta Villa Baydhabo ee degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Inta la ogyahay ku dhawaad 7 qof oo ay ku jireen macalimiin ayaa ku dhaawacantay israsaaseyntaasi u dhaxeysay ciidamada dowladda KMG waxaana la sheegay in ay timid kadib markii ciidamo ka tirsan dowladda ay dhac u geysteen qaar ka mid ah ardayda wax ka barata jaamacadaha iyo iskuulaadka kuyaala agagaarka isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

Mid ka mid ah dadka ku ganacsatada nawaaxiga Xarunta Villa Baydhabo ayaa Shabelle u sheegay in israsaseynta mudo kooban ay socotay islamarkaana ay saameysay dad rakaab ah oo sarnaa gaari Bl- ah oo ciidamadii dhibaatada geystay ay si qasab ah ku galeen,isagoo xusay in aan si dhab ah loo ogeyn qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay iska horimaadkaasi.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa isasootarayay israsaseynta ciidamada dowladda KMG ku dhexmarta goobaha ay ku suganyihiin iyadoona qasaaraha ugu badan uu soo gaaro dadka rayidka, waxaana maalmihii ugu dambeeyay gudaha magaalada Muqdisho gaar ahaan goobaha ay gacanta ku heyso dowladda KMG ka dhacay dhowr israsaaseyn oo dhexmartay ciidamada dowladda KMG taasi oo sababtay qasaare soo gaaray ciidamadii dagaalamay iyo dad rayid ah.

Warar kale ayaa sheegaya Dibadbaxyo xoogan oo looga cabanayay biyo la’aan baahsan oo xiligaan heysata Barakacayaasha Muqdisho ayaa maanta waxaa ay ka dhaceen deegaanka Lafoole ee degmada Afgooye.

Banaanbaxaani looga cabanayay biyo la’aanta ka jirta kaamamka Barakacayaasha eek u yaala deegaankaasi ayaa waxaa ka qeyb qadanayay boqolaal dadweyne ah oo isugu jiray haween iyo Caruur.

Qoysaskaani barakacayaasha ee banaanbaxa dhigayay ayaa xiligii ay ka soo barakaceen Magaalada Muqdisho waxaa biyaha ay isticmaali jireen xiligaasi siin jiray hay’adda MSF taasoo bilooyin ka hor sheegtay in ay joojisay biyihii ay ka waday inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye.

Marwo Cabdiyo Cabdi Khaliif oo ka mid aheeyd Haweenkii ka soo qeyb galay banaanbixii maanta ka dhacay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye gaar ahaan deegaanka Lafoole ayaa sheegtay in ay u taaganyihiin banaanbax ay kaga cabanayaan biyo la’aan baahsan oo soo wajahday,waxaana ay xustay in ay ka koobanyihiin dadka banaanbaxa dhigayay ilaa 12 kaam.

Waxaa ay ka codsadeen banaanbayaasha hay’adaha samafalka iyo cid kasta oo wax u tari karta in ay biyo la soo gaaraan maadaama sida ay sheegeen aanay heysan biyo xitaa ay suuliga ku isticmaalaan.

Dibadbaxaani ka dhacay deegaanka Lafoole ee gobolka Sh/hoose ayaa waxaa hadalo ka soo jeediyay C/laahi salad Xasan (wadaad Yare) oo isagu ka mid ah odayaasha iyo waxgaradka deegaanka lafoole waxaana uu xusay in dadkaani ay u baahanyihiin in lala soo gaaro gar gaar dhinac biyaha ah.

War Deg Deg ah: Dabley hubeysan oo xalay toogasho ku dilay guddoomiye ku xigeenkii deegaanka Bur Saalax ee Gobolka Mudug iyo ruux ilaalo u ahaa

Febraayo 24, 2010

Dabley hubeysan toogasho ugu geystay deegaanka Bur-saalax ee Gobolka Mudug guddoomiye ku xigeenkii deegaankaas iyo ruux ilaalo u ahaa, sida uu sheegay guddoomiyaha deegaanka Cagaaran ee isla Gobolkaas.

Ma’suulka la dilay oo lagu magacaabi jiray Cabdi-kheyr Mire ayaa waxaa lagu dilay gudaha xafiiskiisa, iyadoo sidoo kalena kooxahan ay dileen ruuxa ilaalada u ahaa oo xiligaas hubeysnaa, lamana yaqaan sababta keentay in la dilo mas’uulkan.

Guddoomiyaha deegaanka Cagaaran Cali-ciid Cabdi Abshir oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in weerarka lagu dilay marxuumkan iyo ruuxa la socday uu ahaa mid qorsheysan, ayna tacsi u dirayaan ehelladiisa.

Deegaanka uu falku ka dhacay ayaa wuxuu dhanka waqooyi ka xigaa Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug qiyaastii 30-km, waxayna kooxaha dilka geystay ay la wareegeen gacan ku haynta xarunta Shirkadda Isgaarsiinta GOLIS.

Xiriirka dhanka Taleefoonnada ee degmadaas ayaa tan iyo xalay ahaa mid aan wanaagsanayn, iyadoo kooxahan la sheegay inay xalay isaga baxeen deegaanka, lamana yaqaan sababta ay u toogteen labadan qof oo uu ku jiray guddoomiye xigeenka Deegaanka Bur-Saalax.
Maamulka Gobolka Mudug oo ay hoostagto deegaanka uu qalalaasuhu ka dhacay ayaan weli ka hadlin arrintan, waxaana halkaas ku sugan ciidamo fara badan oo baaritaanno ku haya sababta keentay falka iyo cidda geystaay.

Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ayaa dhawaa waxay kooxo hubeysan weerar ku qaadeen guriga uu daggan yahay Madaxa Shirkadda GOLIS Eng. Jarrato, iyagoo sidoo kalena la wareegay xarunta shirkaddaas muddo saacado ah.

War Deg Deg ah: Maamulka Baydhabo ee Xarakada Mujaahidiinta AL Shabaab oo Maanta magacyadii ka badalay Xaafadaha Magaaladaasi iyo Xaafado cusub oo uu magacaabay.

Febraayo 23, 2010

Maamulka Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Bay ee Xarakada Mujaahidiinta AL Shabaab ayaa Maanta magacyadii ka badalay Xaafadaha Magaaladaasi iyagoo kordhiyay Xaafadahii magaaladaasi.

Maamulka Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ee ka tliya degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa maanta waxaa ay magicyada ka badaleen afartii Xaafadood ee lagu yaqiinay Magaalada Baydhabo iyagoo sidoo kale kordhiyay Xaafadihii degmadaasi.

Xaafadaha magaca laga badalay ee oo xiligii dowladii dhexe ee Siyaad Barre lagu magacaabayay Isha, Bardaale, Mursal iyo Horseed, ayaa Magacyadooda loobadalay qaabkan, Xaafada Bardaale ayaa lagu badalay Axmed Gurey, Horseedna waxaa lagu badalay Salaaxudiin Al Ayuubi, Mursal oo iyana lagu badalay Bukhaari iyo Isha oo lagu badalay Abuu Muscab Al Sarqaawi.

Sidoo kale Maamulka Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ee Magaalada Baydhaba ayaa xaafadaha uu magaaladaasi ku soo kordhayay maanta waxaa ka mid ah Imaamu Shaafici, Towfiiq, Abuu Jamaal iyo kuwa kale waxaana guud ahaan xaafadihii magaalada Baydhabo oo ka koobnaa 4 xaafadood haatan ay kor u dhaafeen ilaa 8 xaafadood.

Sheekh C/nuux Cali Xaaji oo isagu ah gudoomiyaha cusub ee Xaafada Abuu Muscab Al Sarqaawi oo saxaafad Baydhabo la hadlayay ayaa waxaa uu sheegay in ay soo dhaweynayaan talaabada Xaafadaha Baydhabo lagu kordhiyay iyo xilalka loo dhiibay, isagoo sidoo kale sheegay in bilicda Xaafadaha Magaaladaasi ay wax badan ka qaban doonaan oo ay ugu horeyso dhanka nadaafada.

Si kastaba ha ahaatee Maamulada Xaafadaha Magaalada Baydhabo ay u sameeyeen Maamulka Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ee degmada Baydhabo ayaa waxaa ay sheegeen dhamaantoodba in ay isbadalo cusub ku sameyn doonaan Xaafadaha loo magacaabay, iyagoona sheegay in talaabada ugu horeysa ee ay qaadayaan ay tahay in goobaha sharci darada ee ka dhisan wadooyinka hareerahooda ay ka bur buriyaan.

Cali Dheere “Bakaaraha cid la qarxiyo oo Cadaw ah ma joogin waxaa jooga Shacab iyo Mujaahidiin, shacabka waa arkeen dadkii qaraxa dhigayay”

Febraayo 23, 2010

Afhayeenka Xarakada Shabaab Sheekh Cali Dheere ayaa si cad ugu eedeeyay ururka Xisbul Islaam in ay ka dambeysay qaraxii xalay ka dhacay Isgoyska Baar Ubax iyo qaraxii dhowaan ka dhacay Suuqa Bakaaraha.

Isagoo shir jaraa’id ugu qabtay qadka taleefanka Warbaahinta ayuu sheegay Cali Dheere in baaritaan ay sameeyeen ku ogaadeen in qaraxaas ay ka dambeeyeen Xisbul Islaam, isla markaana dadka dhintay ay ahaayeen kuwii dhigayay.

“Bakaaraha cid la qarxiyo oo Cadaw ah ma joogin, waxaa jooga Shacab iyo Mujaahidiin, shacabkana waxay arkeen Meydadka dadkii dhigayay qaraxaas”ayuu yiri Cali Dheere.

Sheekh Cali Dheere ayaa sidoo kale in ragg iyaga horay ugu tirsanaa ay ku qabteen Magaalada Baydhabo, kuwaasoo uu sheegay in ay ka geysan rabeen falal qaraxyo ah sida uu hadalka u dhigay.

“Mujaahidiinta waxay gacanta ku dhigeen kuwii ka dambeeyay qaraxii ka dhacay Suuqa Daawada, markii su’aalo la weydiiyay waxay dhaheen Mujaahidiin ayaa nahay”ayuu yir Sheekh Cali Dheere oo hadaladiisa ahaa kuwo aan ka leex leexad aheyn, isla markaana si kulul u weeraray Xisbul Islaam.

Sidoo kale Cali Dheere ayaa ka hadlay dagaaladii ka dhacay Kenya, waxaana uu dagaaladaas dusha u saariyay in ay ka dambeeyeen ururka ONLF, waxaana uu sheegay in dhaawacyadii dagaaladaas ku dhaawacmay loo qaaday dalka Kenya, sida uu hadalka u dhigay.

Hadalkan ka soo yeeray Afhayeenka Alshabaab ayaa ku soo beegmaya xilli xalay qaraxyo iyo weeraro kala duwan lagu qaaday saraakiil ka tirsan Shabaabka, iyadoo aan la ogeyn sida hadalkan ugu jawaabi karaan Xisbul Islaam oo xilligan khilaaf aan qarsooneyn u dhaxeeya iyaga iyo Shabaab.

War Deg Deg ah: Dagaal xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho

Febraayo 21, 2010

Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhaawacmay dagaal xalay ku dhexmaray Muqdisho ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo kooxaha kasoo horjeeda.

Dagaalkan oo ka dhacay jidka warshadaha ayaa afarta qof ee ku dhaawacmay waxay ahayeen rayid ay guryahooda kula dhaceen madaafiicda ay labada dhinac isdhaafsanayeen.

Iska horimaadka ayaa ka dhashay markii xoogagga hubeysan ee ka horjeeda Dowladda iyo AMISOM ayaa weerar ku qaaday Kulliyadda Jaalle Siyaad iyo Warshadii Kabka oo ay daggan yihiin ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in tiro madaafiic ay ku dhaceen deegaano ay ku sugan yihiin dad horay uga barakacay Muqdisho, kuwaasoo geystay khasaaraha nafeed ee ka dhashay dagaalka.

Khasaare intaas ka badan ayaan la ogeyn, iyadoo xiliga uu dagaalku dhacayna ay ahayd habeen, sidoo kale lama oga khasaaraha kala gaaray labadii dhinac ee uu dagaalku u dhexeeyay, kamana aysan hadlin saraakiishooda.

Xaaladda jidka warshadaha oo ay isticmaalaan gaadiidka isaga goosha Ceelasha biyaha iyo Suuqa Bakaaraha ayaa saaka caadi ah, iyadoo gaadiidka iyo dadku ay si nabad ah ku marayaan.

Abuu Mansuur oo sheegay in ay cafis u fidiyeen Maamuladii Bay iyo Bakool

Febraayo 21, 2010

Amiir kuxigeenka Xarakada Alshabaab Sheekh Mukhtaar Roobow Ali Abuu Mansuur ayaa sheegay in ay cafiyeen Xubinihii Maamulada Dowladda ee Gobolada Bay iyo Bakool.

Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa hadalkan ka jeediyay kulan uu kula qaatay Magaalada Baydhabo waxgarad ka soo jeeda Beelaha Digil iyo Mirifle, isagoo ku booriyay in ay ka shaqeeyaan Ammaanka.

Abuu Mansuur ayaa sheegay in ay bad baadin doonaan Saraakiisha hadii ay isu soo dhiibaan, isla markaana ay Towbad keenaan sida uu hadalka u dhigay, waxaana uu sheegay in Maamulada Shabaabka ee gobolada dalka ay gacmo furan ku soo dhoweynayaan.

Afhayeenkii hore Alshabaab Sheekh Mukhtaar Roobow waxaa uu carabka ku dhuftay in xiligan aan loo baahnayn in la dhibaateeyo dadka ku dhaqan gobolada Koofurta Soomaaliya, waxaana uu sheegay in muhiim ay tahay in nabada laga wada shaqeeyo.

Waxaa uu tusaale u soo qaatay Xildhibaan Saalax Badbaado oo isku soo dhiibay Xoogaga Mucaaradka, waxaana uu tibaaxay in shaqsi kasta oo ka soo baxa Safka Cadawga ay iyagu ammaan gelin doonaan sida uu hadalka u dhigay.

Lama oga hadalka ka soo yeeray Abuu Mansuur sida ay u qaadan doonaan Saraakiishii hore ee gobolada Bay iyo Bakool oo haatan ku sugan deegaanka Doolow, kuwaasoo abaabulo xoogan oo ka dhan ah Shabaab ka wada halkaas.