Archive for Oktoobar, 2016

Akhriso then DAAWO: Kenya oo dib u bilowday dhismaha darbiga ay ka dhiseyso xuduuda la wadaagto Somaliya

Oktoobar 31, 2016

WAAJIDPRESS – 31 OCTOBER 2016:

Dowladda Kenya, ayaa waxay dib u bilowday dhismaha darbiga ay sheegtay inay ka hirgelinayso xuduuda ay la wadaagto Somaliya, iyadoo qiil ka dhiganaysa inay kaga hortageyso weerarada kaga imaanaya Ururka Al Shabaab.

Dhismahan, ayay Kenya ka bilowday barta kala qaybisa saddexda dal ee Somaliya, Kenya iyo Itoobiya, halkaasoo loo yaqaano BB1, isla-markaana uu maro Webiga Daawo.

Shacabka ku dhaqan Degmada Beled Xaawo oo arrintan ka dhiidhiyay, ayaa dhigay bannaanbax ay uga soo horjeedan qorshaha Kenya darbiga kaga dhiseyso xuduuda.

Shacabku waxay ka gadoodsan yihiin dhismaha darbiga oo saamayn ku yeelanaya qaybo ka mid ah xaafado ay degan yihiin dadka reer Beled Xaawo, taasoo keentay in maanta isu dhacaan Ciidamada Kenya.

Rasaas ay furayn Ciidamada Kenya, ayaa waxaa la xaqiijiyay inay ku dhaawacantay laba qof oo rayid ah, oo middi ay haweeney tahay.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Dowladda Somaliya, kuna aadan dhaq dhaqaaqyada ku aadan darbiga ay Kenya ka wado xuduuda labada dal, balse waxay horey Dowladda Somaliya u sheegtay in qorshaha darbiga aanu ku imaan karin go’aanka hal dhinac oo keliya.

Gudoomiyaha Degmada Beled Xaawo, Maxamuud Xayd Cismaan oo la hadlay VOA, ayaa xaqiijiyay dhaq dhaqaaqyada cusub ee Kenya ka bilowday xuduuda labada dal – DAAWO:

 

XOG: Mar kale in dib loo dhigo laga yaabaa Doorashada 2016 Soomaaliya

Oktoobar 31, 2016

WAAJIDPRESS – 31 OCTOBER 2016:

img_e60349-ecfe4e-e4dd8d-a893a4-658184-57819b

Doorashada Soomaaliya ee 2016 ayaa lagu wadaa in markii saddexaad dib loo dhigo, kadib markii mar kale la gaari waayay in lagu socdo jadwalkii ugu danbeeyay.

Wararka laga helayo Guddiga Doorashada Dadban ee heer Federaal iyo kuwa maamul Goboleedyada ayaa sheegaya in dib u dhaca ku yimid doorashada Aqalka sare oo weli harsan yihiin maamulka Hirshabeelle iyo Somaliand ay caqabad ku keentay jadwalkii doorashada ee dib loo bedelay.

Doorashada Aqalka hoose ayaa iyadana weli bilaaban iyadoo qaar ka mida ergadii la filayay in lasoo dhameystiro 10-ka Oktoobar ay socon weyday.

Qorshaha cusub ee Guddiga Doorashada ayaa ah in muddo bil ah oo kale dib loo dhigo, waxaana hadda la wadaa in aakhirka bisha December la qabto doorashada Madaxweynaha, oo ay ka horeeyaan dhameystirka Aqalka sare iyo doorashada Aqalka hoose oo lagu wado in lagu suurageliyo ilaa Novembar 15, 2016.

Akhriso then Daawo labo Video: Odayaal, Wasiiro ka tirsan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo manta Baydhaba Shir Jaraa’id ku sheegey in Hay’adaha Samafalka u gurmadaan Gobolka Shabeelaha Hoose

Oktoobar 31, 2016

WAAJIDPRESS – 31 OCTOBER 2016:

IMG_25F71E-AE3EC2-7EF674-7FD2ED-1AC877-689793                  02-7 03-7

Waxaa Maanta Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay, shir Jaraa’id ku qabteen Odayaal dhaqmeedyo, Siyaasiyiin, Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya isla markaana ay ka soo jeedaan G/Sh/Hoose ,kuwaasoo ka hadley Colaadaha, Barakaca iyo arimaha Bini’aadanimo ee ka jira Gobolka Shabellaha Hoose.

Kullankan ayaa  waxa hadley Danjire C/laahi Maxamed Ismaaciil iyo Wasiirka Wasaarada qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiag ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane C/naasir Cabdi Caruursh, iyagoona si wada jir ah Baaq dheer ugu direy Hay’adaha Samafalka iyo Beesha caalamka oo ku aadan in gurmud deg deg ah ay la gaaraan Shacabka  ku dhibaateysan Degaano ka tirsan Shabelllaha Hoose.

“Kullankan waxyaabaha ugu weyn ee aan kaga hadleyno waxa weeye, dhibaatooyinka la soo daristey Beelaha degan G/Sh/Hoose oo ka haystay dhinac abaaraha iyo dhinaca Falalka Guracan ee  Al shabaab oo barakicin ka wadaan Degaanada Shabellaha Hoose, oo tuulooyin la gubo leh iyo dad la dilo leh intaas oo dhan ayaa maanta dooneynaa in aan u soo muujino Beesha Caalamka, waxaan dooneyna in  Sidoo kale aan tusno Beesha caalamka waxa meesha ka socodo in ay yihiin wax ka baxsan bini’aadanimada, dhaqsona lala soo gaaro Shacabka Shabellaha Hoose gargaar deg deg ah oo isugu jira daawo, cunto iyo biyo “ ayuu yiri Danjire C/laahi Maxamed ismaaciil.

Dhinaca  kale wasiirka wasaarada Qorsheynta iyo Xariirka Calamiga Ee Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya C/naasir Cabdi Caruush ayaa ku baaqay hay’adaha Samafalka inay gurmada la soo gaaraan Shabcab ku dhibtaysan Degmooyinka Gobolka Shabellaha Hoose

“ Annagoo ah Wasiiradii, Xildhibaanadii iyo Odayaal dhaqmeedyadii ka soo Jeeda Shabellaha hoose, waxaan halkan u fadhina in aan ka damqano dhibaatada ka socoto Gobolka Shabellaha Hoose, tasoo ay soo  jeetameysay mudo aad u dheere marbana xaalado kala duwan ay soo mareysay, waxaan Beesha caalamka ka soconeynaa in dadka Shabellaha Hoose gaar ahaan degmooyinka hada Colaadaha Ka Socodaan iyo barakac ka jiro sida Marko iyo Afgooye in gargaar deg deg ah la gaaro, dadkaas waa dad masaakiin ah, anigoo ku hadlaya Magaca Dowlada KGS, Gaar ahaan wasaarada qorsheynta iyo iskaashiga  caalamiga oo ah wasaarad u qaabilsan Koonfur Galbeed arimaha samafka iyo horumarinta waxAan rabaan in Beesha caalamku codsigeena si deg deg ah u soo ajiibaan, dadkaasIna la siyo gacan deg deg ah” ayuu Wasiir C/naasir Cabdi Caruush.

Ugu dambeyntii, Baaqan ayaa waxa uu imaanaya xilli  Degmooyin ka tirsan gobolka shabellaha Hoose ay taagan yihiin dagaalo iyo arimo bini’aadanimo aad looga dayriyey – Daawo labo Video:

 

 

 

DAAWO: ABAARO LAGA SOO SHEEGAYO GOBOLKA SANAAG EE WAQOOYI GALBEED

Oktoobar 31, 2016

WAAJIDPRESS – 31 OCTOBER 2016:

 

 

War deg deg ah: Kooxda Al Shabaab oo Nabadoon Caan ah ka qafaashay Degmada Afmadow

Oktoobar 31, 2016

WAAJIDPRESS – 31 OCTOBER 2016:

Afmadow – Col. Xujaale Aadan Maxmaed oo ka mid ah Saraakiisha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan deegaanada Jubbooyinka oo u warramayay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Al Shabaab Degmada Afmadow ka qafaasheen Nabadoon Caan ka ahaa degmadaasi.

Waxa uu Cadeeyay Korneelku in Al Shabaab ay ka wateen degmada Afmadow Saalax Bashiir oo waxgaradka degmadaasi ka tirsanaa Todobaadkii hore xilligaas oo weerar ay ku qaadeen degmada Afmadow.

“ sida nagu Maqaalo ah Ninkaasi Jilib ayey geeyeen, marka hadda sidaan wararka ku heleyno waa bad qabaa” ayuu yiri Col Xujaale.

Sidoo kale Korneelka ayaa intaas ku daray in Nabadoonka ay Afduubteen Al Shabaab oo u ahaa Nabadoon aad looga wada jecelyahay degmada Afmadow sida uu hadalka u dhigay.

Ma jiro wax war ah oo Al Shabaab ay ka soo saareen Nabadoonka la sheegay in ay ka qafaasheen degmada Afmadow Todobaadkii hore.

Mana cadda sababaha ay ku qoomeen uguna soo wateen Nabadoon Saalax Bashiir Gurigiisa oo ku yaalla degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose.

Balse Al Shabaab ayaa inta badan uga diga Odayaasha dhaqanka in ay ku dhex milmaan ama wada shaqeyn ay la yeeshaan Dowladda Federaalka iyo Ciidamada Shisheeye ee kaabaya.

SAWIRO: SHIR LOOGA HADLAYO KOBCINTA DHAQAALAHA OO KA FURMAY BAYDHABO

Oktoobar 30, 2016

WAAJIDPRESS – 30 OCTOBER 2016:

14882261_1143849109035564_3439943238046020483_o 14883670_1143849059035569_1710460817013002333_o 14918937_1143849089035566_3623502149659226697_o img_1036

Kulanka looga arinsanaayey Kobcinta ganacasiga iyo dhaqaalaha Koonfur Galbeed, ayaa waxaa furay wasiirka wasaaradda maaliyada dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Sheekh Xasan ibraahim Lugbuur, waxaana ka qeybgaley guddoomiyaha Rugta Ganacasiga Koonfur Galbeed, wakiilo ka kala socday Bangiga Aduunka iyo Hay’aada DAI oo iyadu mashruuca fulinaysa iyo qaar kamid ah ganacsatada magaalada Baydhabo.

Xiriiriyaha mashruuca Kobcinta ganacasiga Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya Maxamed Cadceed ayaa ugu horeen faafaahiyey ujeedada mashruucani.

“Masharuucan Kobcinta ganacasiga waxaa bixinaya Bangiga Aduunka . waxaana fulinaysa hay’ada DAI, waana barnaamij kor loogu qaadayo ganacasiga soomaaliya”ayuu yiri.

Gudoomiyaha gudiga Rugta Ganacasiga K/Galbeed Maxamed Macalin Axmed ayaa bangiga aduunka ugu mahadceliyey maalgalinta Soomaaliya uu kusameynaayo.

“Waxaan rajeynaynaa in aad kafaaiideysan doontaan Mashruucan oo faaiido aad ubadan noo lahaandoona hadii aan nahay ganacasatada Magaalada baydhabo”ayuu yiri

Wasiirka maaliyada Koonfur GalbeedSheekh Xasan Ibraahim Lugbuur oo ka hadlayay furitaanka shirkan ayaa faah faahiyey muhiimadda uu u leeyahay horrumarka dhaqalaaha deegaanada Koonfur Galbeed.

DAAWO: Jabuuti oo Sheegtay In Al-Shabaab Carqaladaynayso Doorashada Soomaaliya

Oktoobar 30, 2016

WAAJIDPRESS – 30 OCTOBER 2016:

 

 

DAAWO: U QAABILSANAHA DOWLADA ETHOIPIA ARIMAHA PUNTLAND OO MAANTA KA HADLEY FURINTAANKA BAARLAMAANKA PUNTLAND

Oktoobar 30, 2016

WAAJIDPRESS – OCTOBER 2016:

 

 

 

War deg deg ah: DAGAAL LABA MUSHARAX U DHAXEEYAY OO KA DHACAY MAGAALADA BAYDHABO EE GOBOLKA BAAY

Oktoobar 30, 2016

WAAJIDPRESS – 30 OCTOBER 2016:

Afar Ruux ayaa ku dhimatay iska hor imaad culus oo u dhaxeeyay Musharaxiin u sharaxan ka mid noqoshada xubnaha Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ee imaan doona 2016 Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Iska horimaadkan ayaa u dhaxeeyay sida la tilmaamay Ciidamo kala taabacsan labo musharax oo kala ah Bashiir Mohamed Aadan “Xabashoow ” Iyo Raabico Sheekh Nuuroow ay Is Rasaaseeyeen taasoo sababtay Qasaaro Xoogan.

wararka aanu ka helney Baydhabo sida ay soo sheegayaan wariyaasha Warbaahinta Arlaadii ee Baydhabo ayaa sheegaya in Labada Musharax ciidankii kala taabacsanaa midkood uu weerar qaadey kuna duuley ciidankii kale ee taabacsanaa musharaxa kale , waxa dhintay iyo waxa is weeraraya Labaduba waa Hal Qabiil.

Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada ee Maamulka Baydhabo, Aadan Cabdi Maxamed oo la hadlay BANA ayaa sheegay in Dagaalka uu ka dhacay Laanta-Horsdeed ee Magaalada Baydhabo.

Xaalada ayaa daggan, inkastoo weli ay jirto xiisad u dhaxeysa Ciidamada kala taabacsan musharaxiintaasi ku wada sugan Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Diyaarado dagaal oo duqeymo ka fuliyay Jubbada Dhexe…..

Oktoobar 30, 2016

WAAJIDPRESS – 30 October 2016:

Bu’aale – Diyaarado dagaal ayaa Duqeymo waxa ay ka geysteen degmada Bu’aale ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Wararka ayaa sheegaya in duqeynta Xooggeeda ay ka dhacday deegaan lagu Magacabo Maleyda oo la rumeysan yahay in Al Shabaab in ay Saldhigyo ku leeyihiin.

Deegaanka la duqeeyay ayaa dhaca inta u dhexeysa Magaalooyinka Bu’aale iyo Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Lama oga cidda iska leh diyaaradaha duqeymaha ka fuliyay Gobolka Jubbada Dhexe.