DAAWO: TALIYAHA CIIDAMADA ASLUUBTA SOOMAALIYA OO MAANTA TABABAR UGU FUREY MAGAALADA GALKACAYO CIIDAMO KA TIRSAN ASLUUBTA

Oktoobar 27, 2023

WAAJIDPRESS – 27 October 2023:

DAAWO OO KA FAAIDEYSO: SIDA LA ISAGA DIFAACO ISHA XAASIDKA AH

Oktoobar 26, 2023

WAAJIDRESS – 26 October 2023:

DAAWO: WASIIRKA GAASHAANDHIGA OO MAANTA LA KULMEY QAAR KA MID AH SARAAKIISHA DOWLAD GOBOLEEDKA KOONFUR GALBEED IYO KUWA XOOGA DALKA

Oktoobar 25, 2023

WAAJIDPRESS – 25 October 2023:

DAAWO: MADAXWEYNE XASSAN SHEEKH OO MAANTA GAAREY MAGAALADA BRUSSELS

Oktoobar 25, 2023

WAAJIDPRESS – 24 October 2023:

DAAWO: MUCAARADKA PUNTLAND OO KA SOO HORJEESTEY GO’AANKII AY SHALAY SOO SAAREEN GUDIGA DOORASHADA PUNTLAND

Oktoobar 24, 2023

WAAJIDPRESS – 24 October 2023:

DAAWO: DOWLADA TURKEY OO DEEQ AH QALABKA LAGU KALUUMEYSTO MAANTA GAARSIISEY DEGMADA SAYLAC

Oktoobar 24, 2023

WAAJIDPRESS – 24 October 2023:

DAAWO: TALIYAHA CIIDAMADA ASLUUBTA SOOMAALIYA GENERAL CABDIRAXMAAN OO MAANTA HOWLO SHAQO U TAGEY MAGAALADA GALKACAYO

Oktoobar 24, 2023

WAAJIDPRESS – 24 October 2023:

Guddiga doorashada Puntland oo muddo kororsi dadban u sameeyay Saciid DENI

Oktoobar 24, 2023

WAAJIDPRESS – 24 October 2023:

Guddiga doorashooyinka Puntland ee PEC ayaa si rasmi ah u shaaciyay jadwalka doorashada madaxtinimada Puntland ee sannadka 2024, kaasi oo muddo kororsi dadban loogu sameeyay madaxweyne Saciid Deni.

Bayaan kasoo baxay guddiga doorashooyinka Puntland ayaa waxaa lagu shaaciyay in doorashada Madaxtooyadda iyo Baarlamaanka Puntland loo asteeyay inay qabsoomto 25-ka bisha Febraayo ee sanadka soo aadan ee 2024-ka.

“Guddiga Madaxa-banana ee Doorashooyinka Puntland markuu la tashaday xisbiyada siyaasadda, bulshada rayidka ah iyo daneeyayaasha kale waxa uu go’aamiyay in doorashada Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada la isa-saaro hal marna la wada qabto,” ayaa lagu yiri bayaanka PEC.

Guddiga doorashooyinka Puntland ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dib loo furay diiwaan-gelinta cod-bixiyaasha, islamarkaana la bilaabi doono dhamaadka sanadkaan, gaar ahaan bisha December.

Qabashada liistada Musharaxiinta ayaa bilaaban doonta December illaa January. Halka ololaha doorashada uu bilaaban doono February 2024-ka, maalmo kahor un waqtiga uu guddiga doorashooyinka u asteeyay doorashada isa-saaran, sida lagu sheegay jadwalka doorashada ee uu saaray guddiga PEC.

Jadwalka uu soo saaray guddiga PEC ayaa muujinaya in kordhin lagu sameeyay muddo xileedka dowladda oo ku eg 8 Jan ee sannadka 2024-ka

Sidoo kale waxa uu jadwalkaan imanaya xilli uu khilaaf xooggan ka dhex aloosan yahay xukuumadda madaxweyne Deni iyo mucaaradka oo ku muransan nooca loo qabanayo doorashada madaxtinimada ee maamulkaas.

Saciid Deni ayaa dhawaan sheegay in doorashada 2024-ka lagu qaban doono nidaamka qof iyo cod, hase yeeshe waxaa taasi ka horyimid siyaasiyiinta mucaaradka oo iyagu raba in doorashada lagu galo sidii hore.

DAAWO: BANAANBAX LOOGA SOO HORJEEDO DUQEYMAHA ISRAEL KU HEYSO FALASTINE OO MAANTA KA DHACAY MAGAALADA DHOOBLEY

Oktoobar 24, 2023

WAAJIDPRESS – 23 October 2023:

Puntland oo shaacisay in 75 qof usoo xirtay dil iyo kufsi loo geystay wiil 11 jir ah

Oktoobar 23, 2023

WAAJIDPRESS – 23 October 2023:

Taliska Ciidanka Booliska Puntland ayaa shaaciyay tiradii ugu badneyd ee loo xiray kiiska  wiil 11 jir ah oo dil iyo kufsi loogu geystay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Booliska ayaa sheegay in 75 qof usoo xireen kiiskaan, kuwaasi oo isugu jira kuwo aad loogu tuhmayo inay ku lug leeyihiin falkaas foosha xun.

Taliyaha Saldhiga Galbeed ee magaalada Gaalkacyo Laba-xiddigle Samatar Cabdulahi Awkax oo warbaahinta la hadlay ayaa tilmaamay in kiiskaan uu xilli habeen ah ka dhacay goob kaam ah oo uu ku noolaa wiilka.

“Laamaha amniga waxay ku sameeyeen kiiskii baaritaan waxaana loo soo xiray dad badan oo gaaraya illaa 75 qof,” ayuu yiri Laba-xiddigle Samatar Cabdulahi Awkax.

Sidoo kale waxa uu sheegay in shaqsiyaadka lasoo xiray ay ku jiraan kuwii goobtaasi ka agdhawa, ayna soo bixi doonto xaqiiqada, maadaama durba baaritaanon lagu bilaabay eedeysanayaasha loo soo qabtay falkaan.

“Goobta dadkaas laga soo xiray oo aheyd kaam uu ku noola wiilka yarka ah, waxaana dadka ku jira kuwa tuhuno laga qabo, waxayna ku xiran yihiin saldhigga galbeed ee Gaalkacyo.”

Waxa uu sheegay in kiiskan ay hadda gacanta ku hayaan laanta baarista dambiyada, “Bulshada waxaa la socodsiinayna in si fiican kiiskaas loo soo bandhigi doono, eedeysanayaasha kiiskaas ku eedeysnaa way xiran yihiin.”

Hay’adaha amniga ayuu sheegay inay ka go’an tahay in lasoo qabto cid kasta oo falkaas foosha xun ka dambeysay, si caddaaladda loo mariyo.

“Allaha u naxariisto wiilkaas, cadaalad Insha Allaha wuu heli doona, ciddii gashay kiiskaana waa la horkeeni doona cadaaladda. Howshaana wey dhamaan doonta.”