Archive for Maarso, 2015

War deg deg AH: Dowlada Federaalka oo ku DHAWAAQDEY in wax doorasha ah aysan dhici doonin 2016, dalkan doorasho diyaar uma ahan weli

Maarso 27, 2015

WAAJIDPRESS – 27 Mar 2015:

Iyadoo dhawaan ay DF Somalia sheegtay in sanadka 2016-ka uu dalka ka qabsoomi doono doorasho nin iyo codkiisa, ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukumadda Somalia C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa.
Odawaa, ayaa sheegay inaysan suuragal aheyn in sanadka soo socda dalka uu ka dhaco doorasho, waxa uuna tilmaamay in DF Somalia ay weli dhex maquureyso dadaalkii lagu dhaqan galin lahaa balse aysan muuqan fursado muujinaayo inay dhacdo doorasho xor ah.
Isagoo taasi ka hadlaayay ayaa waxa uu yiri “DF Somalia waxaa ay wadaa Qorshe ay kula tashaneeyso Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed iyo Maamul Goboleedyada ka jira Dalka si 2016 Dalka ay Doorasho uga dhacdo, balse aniga iima muuqato inay dhici karto doorashada”
Maamul Goboleedyada dalka ayuu ugu baaqay inay suuragaliyaan dariseynta shacabka ku nool deegaanadooda, si uu yiri loo dhaqan galiyo Hiigsiga 2016-ka.
Hadalkiisa aya caddeyn u ah sida ay dowladda Xasan Sheekh ay isugu diyaarineyso inay waqti dheeri ah hesho, maadaama ay aaminsan tahay in doorasho aysan ka dhici karin dalka 2016.

DAAWO: GABAY LA MAGAC BAXAY “SU’AAL” OO GUUBAABO AH OO KU SOCOTA DIGIL IYO MIRIFLE

Maarso 27, 2015

WAAJIDPRESS – 27 Mar 2015:

GABAY KU SOCDA BEELWEYNTA DIGIL & MIRIFLE:

KA FAAIDEYSO MALAAQ KA SHEEKEYNAYO TAARIIKHDII HALGANKII DIGIL & MIRIFLE:

Sanad Guuradii Koowaad ee Kasoo Wareegatey Dilkii Mujaahid Marxuum Xasan Adan Keerow

Maarso 26, 2015

WAAJIDPRESS – 26 MAR 2015:

 

DIGIL IYO MIRIFLE IYO REER KOONFUR GALBEED MA ILOOBI DOONAAN::::

 

 

bay3xxP164-421-255-398-0d085xxP153-421-255-398-0d085xxP141-421-255-398-00093xxP152-421-255-398-00097

 

DIGIL IYO MIRIFLE IYO REER KOONFUR GALBEED MA ILOOBI DOONAAN::::

 

26-dii Maarso 2014 waxay aheyd maalintii Murugada laheyd ee la dilay Mujaahid, Muwaadin, Marxuum Xasan Aadan Keerow, oo ay dileen kooxda SHARIIF XASSAN , lana dilay isagoo huwan Calanka Dowlad Goboleedka lixda Gobol ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, bartamaha Magaalada Baydhaba. Dhacdadaasi waxay ku qoran tahay xusuus qorka dhamaan inta Damiirka leh ee ku taamaya in maalin uun Maxkamad lasoo taago kuwii ka danbeeyay Dilkaas.

Warbaahinada WAAJIDPRESS, DAAFEEET MEDIA, ISHABAYDHABA iyo kuwa kale oo fara badan, una hadla UMADA KOONFUR GALBEED iyo  UMADA SOOMAALIYA OO DHAN, ayaa waxay maanta oo taariikhdu tahay 26/03/2015 Xusaysaa Sanad guuradii Koowaad ee ka soo wareegtay dilkii Mujaahid Marxuum Xasan Aadan Keerow ee ku Nafwaayey Difaacii Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Warbaahinta WAAJIDPRESS waxay ku boorinaysaa dhamaan Warbaahinada gudaha iyo dibada iney faafiyaan Barnaamishyo loogu Hiilinaayo Cadaaladda iyo Xaq u Raadinta Muwaadin Marxuum Xasan Aadan Keerow ee ku Dhintay Gacan ka Xaq darneyd.

Waxaa Nasiib darro ah in ilaa hada waxba laga qaban Dilkii Marxuumka oo weliba Indhaha iyo Dhegaha laga xirtay Waalidkii dhalay. Waxaan Alle ka Baryaynaa inuu ka Abaal mariyo Kuwii ka danbeeyay iyo Kan sida Xaqdarada u Daadiyay Dhiigii Mujaahid Xasan Aadan Keerow.

Wakhtigani Tiiraanyada Badan ee la Xasuusanaayo lana Xusaayo Sanad Guuradii Koowaad ee ka soo wareegtay Toogashadii lagu dilay Halyeey Marxuum Xasan Aadan Keerow, waxay Warbaahinta Ishabaydhaba Tacsi u diraysaa Waalidkii, Qaraabadii, Eheladii iyo Ummada Soomaaliyeed inta Xaqa Jecel. Waxaana Alle uga baryaynaa in Marxuumka ka Waraabiyo Janadii Fardowsa, Waalidkii iyo Qaraabadiina Samir iyo Iimaan ka siiyo.

Sanad Walbana sidaan ayaa loo xusi doonaa xitaa haddii la soo taago maxkamad dhagarqabayaasha geystey dilka xaq darada ah ee uu ALLE (SUBXAANAHU WATACAALAA) MAMNUUCAY.

Madaxweyne Xassan oo ku soo guuldareystey Dhuusamareeb maantana Muqdisho ku soo laabtey

Maarso 26, 2015

WAAJIDPRESS – 26 Mar 2015:

Madaxweynaha Dowlada Muqdisho Xasan Sheekh Maxamud Garguurte ayaa kasoo tagay Magaalada Dhuusamareeb isagoo aan wax guul ah ka gaarin socdaalka ujeedadii markii hore u tagay Magaalada Dhuusamareeb.

3 Maalmood oo Madaxweynaha la hadlayay odayaasha ku shirsan Magaalada Dhuusamareeb ayaa ugu dambeyntii kasoo kictimay Magaalada Dhuusamareeb isagoo ku soo jeeda Magaalada Muqdsho kadibna u ambabixi doono Magaalada Qaahira ee dalka Masar halkaas oo uu kaga qeybgali doono shirka madaxda Carabta.

Is mari waagii ugu weynaa ee ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb waxaa uu ahaa halka lagu qabanayo shirka maamul u sameynta Gobolada Galgaduud iyo Mudug, odayaasha ayaa waxay ku adkeysteen in shirka ka furmi doono Magaalada Dhuusamareeb halka Madaxweyne Xasan Garguurte doonayay in shirka uu ka furmo Magaalada Cadaado.

Wax natiijo ah lagama gaarin wadahadalka Xasan Garguurte iyo Odayaasha waxaa keliya laga faa’iday waxaa uu ahaa in qolo walba mowqifkeedu ku adkeysatay.

Ugaas-yada 9 beelood ee ku shirsan Magaalada Dhuusamareeb waxay ku adkeysteen in shirka maamul u sameynta Gobolada Mudug iyo Galgaduud ka furmi doono Magaalada Dhuusamareeb .

Madaxweynaha intii uu joogay Dhuusamareeb waxa uu Odayaasha Dhaqanka ka codsaday inay aqbalan markan codsiga uu ula yimid, oo ah in shirka lagu qabto Magaalada Cadaado ee Xarunta Maamulka Ximin & Xeeb.

Ugaas Xasan Ugaas Maxamed Ugaas Nuur oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee Madaxweynaha uu kula kulmay Magaalada Dhuusamareeb, ayaa sheegay in Madaxweyaha ay u cadeeyen inaanay Cadaado u socon.

Lama oga waxaa uu xaalku ku dambeyn doono labada dhinac ma muuqato wax isku soo dhawaansha ah ama inay ka wada tanaasulaan waxyaabaha ay isku haayan.
Dhuusamareeb ayaa lagu soo gabagabeeyay shirkii dib u heshiisiinta beelaha Mudug iyo Galgaduud.

Weli Waxaa khilaaf adag ka dhex jiraa Madaxweyne Xassan iyo ODAYAASHA Dhuusamareeb

Maarso 26, 2015

WAAJIDPRESS – 26 Jun 2015:

Wararka ka imaanaya Xarunta gobolka Galguduud ee Dhuusamareeb ayaa sheegaya in weli uu socdo wada hadalkii u dhexeeyay Madaxweyne Xasan iyo Odayaasha Dhuusomareeb.

Goobjoogayaal halkaasi ku sugan ayaa soo sheegaya in kulanka uu yahay mid aan weli laga gaarin wax natiijo ah Madaxweynuhuna uu yahay mid ku jahwareersan Khilaafka u dhexeeya Odayaasha Cadaado iyo Dhuusamareeb.

Odayaasha Dhuusamareeb ayaa ku adkeysanaaya in halka lagu qabanayo shirka maamulka gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya ay noqon doonto Dhuusamareeb, halka Odayaasha kalane ay ku adkeysanayaan hadalkii uu horay u sheegay Madaxweynaha oo ahaa in shirka uu ka dhacaayo Cadaado.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa habeenkii labaad hoyanaya magaalada iyadoo uu wadahadalo aan loo kala kicin maanta oo dhan la lahaa odayaasha soo saaray go’aanka ah in shirka lagu qabto magaalada Dhuusomareeb.

Madaxweyne Xasan ayaa lagu wadaa in Saacadaha soo socda uu qaato go’aan adag oo uu ku xariiqaayo halka uu shirka ka dhacaayo, waxaana hada socda fursadihii ugu dambeeysay ee la siinaayo Odayaasha Dhuusamareeb si ay u taageeran in shirka uu ka dhaco Magaalada Cadaado.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha ayaa sidoo kale la tashiyo la sameynaayo Masuuliyiin ka tirsan labada Gole ee Dowlada oo ku wehlinaaya safarka, waxaana looga fadhiyaa inuu ku dhawaaqo go’aankiisa kama dambeysta in shirka uu ka dhacaayo Magaalada Cadaado.

War deg deg ah: Shirkii Cadaado oo dib u dhacay iyo Odayaasha beelaha iyo Xasan Sheekh oo shirkii Dhuusomareeb ku kala booday, sabab?

Maarso 25, 2015

WAAJIDPRESS – 25 Mar 2015:

DAAWO: SAWIRADA XANAAQA KA MUUQDA MADAXWEYNE XASSAN MARKII AY ODAYAASHA DHUUSAMAREEB KU GACANSEEREEN CODSIGIISA OO AHAA IN CADAADO LAGA FURO SHIRKA MAANTA:

411238

613

Maalintii shalay waxaa magaalada Dhuusomareeb tagay madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo, wuxuuna safarka ahaa mid deg deg ah oo la doonayay in xal looga gaaro hadal ay ku dhawaaqeen odayaal ku shiray magaalada Dhuusomareeb.

Ujeedada safarka oo labo waji lahaa ayaa wajiga koowaad wuxuu in Xasan Sheikh uu soo xiraa shirkii dib u hishiisiinta ee muddada labada bil ah ka socday magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud, kaasi oo lagu hishiisiinayay beelaha daga gobolka Galgaduud.

Ujeedada labaad ayaa aheyd in madaxweynaha uu ka dhaadhiciyo beelaha ku shiray magaalada Dhuusomareeb in shirka uu ka dhaco magalaada Cadaado caasimadana ay noqoto magaalada Dhuusomareeb.

Wararka Ayaa sheegaya in xalay kulamo waqti qaadan oo gooni gooni ahaa ay yeesheen madaxweynaha Soomaaliya iyo waxgaradkii ku sugnaa magaalada Dhuusomareeb.

Dood iyo muran dheer kadib madaxweynaha ayaa runta loo sheegay sida xogta aan ku heleyno iyada oo odayaasha ay sheegeen ineysan ka laabaneynin go’aankooda ah in caasimada gobolada dhexe noqoto DHuusomareeb shirkana lagu qabto isla magaalada.

Warar ku dhow dhow kulamada socda ayaa sheegaya ergooyinka ay ku wargeliyeen Madaxweynaha in Sidii BAYDHABA ka dhacdey uu shirka uu ka dhaco Dhuusa Mareeb, caasimadana ay isla Dhuusa Mareeb noqoto.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in madaxweynaha uu isku dayay inuu ka dhaadhiciyo waxgaradka in Cadaado shirka lagu qabto, laakiin markii dambe waxaa la sheegay iney isaga baxeen goobta shirka.
Taasi waxay dhalisay in madaxweynaha looga baxo hoolka shirka gaarka ah uu ka soconayay, sida wararka ay sheegayaan.

Dhinaca kale, MAANTA Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa sheegay in dib u dhac maanta uu ku yimid shir ka furmi lahaa magaalada Cadaado ee gobalka Mudug, kaasi oo la doonayo in maamul loogu sameeyo gobalada Mudug iyo Galgaduud.

Wasiirka arimaha gudaha ee maamulkaasi Maxamuud Xuseen ayaa u sheegay Idaacadaha in madaxweyne Xasan Sheekh oo ku sugan degmada Dhuusamareeb ka warsugayaan si uu u mudeeyo xilliga uu shirka furmi doono.

Wasiirka Maaliyada Iyo Wafdi uu Hogaaminayo oo Gaaray Dalka Masar

Maarso 24, 2015

WAAJIDPRESS – 24 Mar 2015:

Wasiirka Maaliyada Xukuumada Muqdisho Dr. Maxamed Aadan Ibraahim (Farkeeti) iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Dalka Masar.

Wasiirka ayaa ka qeybgalaya Shir maalinta beri ah ka furmaya Magaalada Sharma Sheikh ee dalka Masar.

Sidoo kale Wasiir Dr. Maxamed Aadan Farkeeti ayaa la kulmi doona Dhigiisa Masar oo ay ka wada hadli doonaan xoojinta dhanka dhaqaalaha ee labada dal.

Booqashada Wasiirka oo qaadan doonta mudo Sedax Cisho ah ayaa dib ugu laaban doona Magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xasan oo galabta ka degay Garoonka Magaalada Dhuusamareeb

Maarso 24, 2015

WAAJIDPRESS – 24 Mar 2015:

Madaxweynaha Dowladda Federalka Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdi uu horkacayo, ayaa waxay goor dhow ka deggeen Garoonka Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud.

Madaxweynaha iyo wefdigiisa, ayaa diyaarad gaar ah ka raacay Garoonka Duulimaadyada Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, waxayna si nabdoon ku gaareen Garoonka Dhuusamareeb.

Madaxweynaha waxa uu kulamo kula lee yahay Dhuusamareeb Odayaasha Golaha Dhaqanka Gobolada Dhexe, oo muddooyinkii ugu dambeysayba uu shir kaga soconayay Magaaladaasi.

Odayaasha Golaha Dhaqanka Gobolada Dhexe ee shalay uu shirku ugu soo gaba gaboobay Magaalada Dhuusamareeb, ayaa xalay si cad u diiday in shirka Maamulka Gobolada Dhexe lagu qabto Magaalada Cadaado.

Madaxweynaha, ayaa waxaa lagu wadaa in Odayaasha Dhaqanka uu ka dhaadhiciyo inay aqbalaan tagista Magaalada Cadaado, si halkaasi loogu qabto shirka Maamul U Samaynta Goboladda Galgaduud iyo Mudug.

Culusow

Dowladda Somaliya, ayaa waxa uu waqti badan kaga lumi doonnaa Dhismaha Maamul U Samaynta Gobolada Dhexe, haddii aynaan Dowladdu la imaanin siyaasad wax ku ool leh.

Dowladda waxaa muddo sanad ku dhow uu kaga lumay arrimaha Magaalada Kismaayo iyo Dhismaha Maamulka Jubba. Sanad kalana wuxuu kaga lumay Dhismaha Maamulka Koonfur Galbeed. Waxaana la xusuustaa in Dowladdu ku jahwareertay kala jebintii Maamulada 6-da iyo 3-da Gobol ee Koonfur Galbeed.

Muqdisho oo hadda Lagu diley qof shacab ah

Maarso 24, 2015

WAAJIDPRESS – 24 Mar 2015:

Wararka Naga Soo Gaaraayo Degmada Hodon Ee Gobolka Banaadir Gaar Ahaan Xaafada Siigaalle ayaa Waxaa ay kusoo Waramayaan in Halkaasi Sakay Lagu Dilay Ruux rayid ah Kaasi oo la sheegay in uu Xaafadaasi ku Dhex Lugeeynayay.

Kooxahii Dilka Geystay oo Bistoolado ku Hubeysnaa ayaa Durba halkaasi Iskaga Baxsaday Waxaana Halkaasi Soo Gaaray Ciidamo ka Tirsan Kuwa Dowlada Federaalka ah Ee Soomaaliya Gaar Ahaan Kuwa Degmada Hodon.

Goobjooge ayaa Waxaa uu soo Sheegayaa in aannu Ruux La Dilay Aheeyn Dadka Deegaan Balse uu Degganaa Qeybo ka Mid ah Degmada Hodon Ee Gobolka Banaadir Waxaana halkaasi Meydkiisa ka Qaday Ciidamada Dowlada Soomaaliya Ee Halkaasi Soo Gaaray
Xaalada Halka Falku ka Dhacay ayaa Hataan ah Goob Kacsan islamarkaana ay Ciidamo Soo Buux Dhaafiyeen.

War deg deg ah: ODAYAASHA Habargidir OO MAANTA soo saarey Go’aan ka soo horjeeda Madaxweyne Xassan iyo magaalada CADAADO

Maarso 23, 2015

WAAJIDPRESS – 23 Mar 2015:

ODAYAASHA HABARGIDIR OO MAANTA go’aan adag ka soo saarey magaalada Dhuusamareeb.

Odayaasha Ayaa MAANTA si cad u sheegey in wax Shir ah uusan ka dhaceynin Magaalada Cadaado balse shirka Lagu qabanayo Magaalada Dhuusamareeb bishan 25 March. Go’aankan Ayaa si cad uga hor imaanayo hadalkii uu Madaxweyne Xassan ku sheegey in shirka maamul u sameynta gobolada Mudug iyo galgaduud ka dhici DOONO MAGAALADA CADAADO.
Go’aanada ay Odoyaasha iyo waxgaradka soo saareen waxa ugu weynaa in ay sheegeen in shirka maamulka loogu sameynayo Mudug iyo Galgaduud uu ka furmi doono Dhuusamareeb, madaama Magaalada Cadaado oo lagu balansanaa aysan wali tagin Ciidanka AMISOM.
Waxa ay Odoyaashu sheegeen in shirka Maamulka loogu sameynayo uu ka furmi doono Dhuusamareeb 25ka bishan March, isla markaana Ergada looga baahan yahay in ay soo xaadiraan.
Waxa ay ugu baaqeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka in ay taageerto go’aanada ka soo baxay Waxgaradkan, kuwaasi oo matalaya dadka reer Mudug iyo Galgaduud.
Si kastaba, Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayay Magaalada Dhuusamreeb bishii la soo dhaafay ayaa waxa uu sheegay in shirka maamulka loogu dhisayo Mudug iyo Galgaduud uu ka furmi doono Magaalada Caadaado.